Dowladda oo ka aamusan Soomaalida "lagu laynayo" Koonfur Afrika

Image
Dhacdadii 3aad ee lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed asbuucaan guddihiisa ayaa lasoo wariyey shalay.

CAPTE TOWN, South Africa – Kooxo burcad ah Koofur Afrikaan ah ayaa goor dambe oo Talaadadii ah ku toogtay labo nin oo ganacsato Soomaaliyeed ah gagaarka Goobo Ganacsi oo ku yaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town ee Koofurta dalkaasi.

Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa la dilay kadib markii burcad hubeysan ay si gaar ah ugu beegsadeen goobahooda ganacsi goobjoogayaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa u suurtagashay in ay baxsadaan ka dib markii ay dileen labada wiil ee Soomaalida ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen asxaabta iyo qoyska, dhalinyaro kale ayaa ku dhaawacmay rasaasta inta ay dhacdu socotay, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu dabiibo.

Waa dhacdadii 3aad ee lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed asbuucaan guddihiisa. Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin bulshada Soomaaliyeed, Caamir Sheekh, ayaa cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee burcad hubeysan ay ku qaadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku daray in wax laga xumaado ay tahay in tuugta ay beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana maamulka deegaanka aysan ka hadlin arrintaasi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin beegsiga tusbaxa afka furtey noqdey ee maalmihii lasoo dhaafay lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Soomaali badan oo nolol  ka wanaagsan mida dalkooda u raadsaday Koofur Afrika ayaa si joogto ah ula kulma weeraro iskugu jira dil, dhawaac iyo dhac aan loo aaba yeellin halka maamulada deegaankana ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu haayo soo galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM