Uganda oo hakisay isbedelka ciidamada ka jooga Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Milatariga dalka Uganda ayaa si deg-deg ah u hakiyey isbedelka ciidamadda nabad-ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya, sababo la xiriira Coronavirus, sidda uu ku dhawaaqay afhayeenka taliska guud.

Richard Karemire oo khadka telefoonka kula hadlay wakaaladda wararka ee Xinhua in go'aankan ay u qaataan si ay u badbaadiyaan caafimaadka ciidamada kale ee ajaaniibta ah ee la howlgala.

Go'aankaan ayaa kusoo aadaya markii askari ka tirsan ciidanka Uganda ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] laga helay safmarka dilaaga ah, kaas oo ku faafay caasimadda Muqdisho.

"Waa mid kamid ah talaabooyinka badqab ee ka dhanka ah Covid-19 oo ay qaadayaan ciidamada xishmada badan ee Uganda kuna sugan Soomaaliya iyo Equatorial Guinea," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Soomaaliya ayaa laga helay 722 kiisas oo ah caabuqaas, si lamid ah, waxaa lasoo wariyey 31 dhimasho ah iyo 44 ka caafimaadey.

Uganda ayaa howlgalka AMISOM ku leh 6,000 askari, waana mid kamid ah wadamada ciidamada ugu badan ku taageeray taliska.

Isbedelka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa ah mid sanadkiiba mar la sameeyo, waxaana lagu saleeyaa baahida xilligaas jirta, iyaddoo askarta cusub ee la keenayo ay lamid noqonayaa tirada kuwa baxaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM