Duqeymo iyo dagaal dib uga soo cusboonaadey caasimada Suudaan

Image
Tani ayaa waxay ka dambeysay markii ay dhamaatay xabad-joojin ay dhinacyadda ku heshiiyeen.

KHARTUUM, Suudaan - Duqeymo iyo rasaasta ayaa dib uga soo cusboonaaday caasimadda Suudaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal, kaddib markii ay dhammaatay xabbad joojin 24-saac ah oo dadka rayidka ah siisay nasasho naadir ah kadib ku dhawaad ​​laba bilood oo dagaal ah.

Jugta madaafiicda culus ayaa laga maqlay Khartoum iyo magaalada mataanaha ah ee Omdurman oo dhanka waqooyi ka xigta, waxaana sidoo kale dagaalku uu ka qarxay wadada Al Xaawo, oo ah halbowlaha ugu weyn ee koonfurta caasimadda.

Heshiisyadii xabbad joojinta ee ugu dambeeyay ayaa u sahlay dadka rayidka ah ee ku go'doonsan Khartoum in ay dibadda u soo baxaan oo ay kaydsadaan cuntada iyo saadka kale ee muhiimka ah.

Balse 10 daqiiqo oo kaliya ka dib markii ay dhamaatay 6:00 subaxnimo (0400 GMT), waxaa caasimadda mar kale ruxay duqeymo iyo iska hor imaadyo, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

"Nasashadda halka maalin waxay ahayd sida riyo oo soo baxday," ayuu yiri Nasreddin Ahmed, oo deggan koonfurta Khartoum oo ku baraarugay dagaalka.

Asmaa al Rih, oo ku nool xaafadaha waqooyi ee caasimadda, ayaa ku calaacalay "soo laabashada argagixsada" iyada oo "gantaallo iyo madaafiic ruxaysa gidaarada guryaha" mar kale.

Dagaal lagu hoobtay ayaa ka socday dalka ku yaalla waqooyi bari Afrika tan iyo bartamihii bishii April, markaasoo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al Burhaan iyo ku xigeenkiisii ​​hore Maxamed Xamdaan Daglo, oo ka amar qaata ciidamada gargaarka degdega ah (RSF), ay is-horfadhiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM