Eritrea iyo Ethiopia oo dib usoo celinaya xiriirka diblumaasiyadeed
ASMARA - Dowladaha deriska ah ee Eritrea iyo Ethiopia ayaa waxay dib usoo celinayaan xiriirkii dhanka diblumaasiyadda iyo Ganacsiga ee ka dhaxeeyay, kadib muddo ka badan 20 sano oo colaad ay dhextaalay.
Madaxweyne Isaia Afwerki iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa ku dhawaaqay go'aankan kadib kulankooda Madaxtooyadda magaaalada Asmara, iyagoo sidoo kale ku heshiisyay qodobo dhowr ah, oo lagu soo nooleynayo xiriirka dalalkooda.
Isbedelkan dhanka xiriirka ayaa yimid kadib sodcaal taariikhda baal-dahab ah ka galay oo uu Eritrea ku tagay Abiy Axmed shalay oo Axad ahayd, ayaa waxaa kaloo ay ku heshiisyeen in dekedaha Eritrea ay isticmaasho Eithiopia oo ah wadan aan bad laheyd.
Sidoo kale, arrimaha labada hogaamiye ayaa isla meel-dhigay in Khadadka Telafoonada labadda dal dib leyskugu furo iyo in duulimaadyadii diyaaradaha magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa ee shacabka isaga kala gooshi jireen lasoo celiyo.
Dal kasta wuxuu Safaaradiisa dib uga furan doonaa caasimadda dalka kale, waxaana si caadi ah lagu soo celinayaa dhamaan iskaashiga ganacsiga, amniga, maalgashiga khayraadka labada dhinac iyo socdaalka.
Xiriirka labadda dal ayaa xumaaday dhamaadkii sanadkii 1990, kadib markii muran dhanka Xuduudaha ah, gaar ahaan magaalada Badme iyo degaanada ku dhaw, kaasoo horseeday dagaal ay ku dhinteen in ka badan 70,000 oo qof.
December, 2000, heshiis ay gar-wadeen ka ahayd Qaramada Midoobay ayay kala saxiixdeen labada dal, kaasoo Eritrea siinayay magaalada Badme, balse dowladdii waqtigaas ka jirtay Eithiopia ayaa qaadacday, taasoo dagaalka sii hurisay.
Laakiin, Abiy Axmed ayaa islamarkii uu Xafiiska la wareegay wuxuu ku dhawaaqay in dowladiisu u hogaan-sameyso heshiiskiisa, isagoo sheegay inay magaaladda Badme u celinayaan Eritrea.
Tallaabooyinkaan dhanka nabada loo qaaday ayaa waxaa qeyb ka yihiin isbedal dhanka siyaasadda ah iyo dhaqaalaha oo uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed balanqaaday markii uu Xafiiska la wareegay bishii April, 2018.
Laakiin, su'aasha meesha taalla ayaa waxay tahay goorta ay Eithiopia ciidamadeeda kala soo baxeyso magaaladda Badme, maadaama ay mar sii horeysay ku dhawaaqday inay ku wareejinayso Eritrea.
GAROWE ONLINE