Eritrea oo dib u soo ceshatay xubinimadiida urur goboleedka IGAD

Image
Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii hakisay xubinimadii IGAD, kaddib markii ay is-maandhaafyo soo jireen ah.

NAIROBI, Kenya - Eritrea ayaa dib ugu biirtay urur goboleedka IGAD, ku dhawaad ​​16 sano ka dib markii ay ka baxday ururkaasi, sidda uu shaaca ka dhigay wasiirka warfaafinta dalkaas Yemane Meskel.

"Eritrea waxay dib u bilowday hawlaheeda IGAD, wayna fadhiisatay kadib shir ay soo qabanqaabiyeen ururka todobada waddan oo ka dhacay Djibouti Isniintii," ayuu Meskel ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Meskel oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in dalku uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo “nabadda, xasilloonida iyo is-dhexgalka gobolka”.

Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii hakisay xubinimadii IGAD, kaddib markii ay is-maandhaafyo soo jireen ah, oo ay ka mid ahaayeen go'aankii ay Midowga Yurub ku dalbadeen Kenya inay dusha kala socoto xallinta muranka xuduudda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Dalkan ayaa ka go'ay Itoobiya sanadkii 1993-kii, waxayna dagaal xuduudeed laba sano ah la gashay deriskeeda kaas oo sumeeyay xiriirka ilaa heshiis nabadeed 2018-kii.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu saxaafadda u sheegay booqashadii uu ku tagay Kenya bishii Febraayo in dalkiisu uu dib ugu biiri doono IGAD "iyadoo fikradda ah dib u soo nooleynta ururkan gobolka."

Human Rights Watch ayaa bishii February ku baaqday in cunaqabatayn cusub lagu soo rogo Eritrea, iyada oo ku eedaysay in ay kumanaan qof oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaar ahayn isugu ururisay adeeg ciidan oo khasab ah, intii uu socday dagaalkii Tigrayga.

Dalka ayaa wuxuu ku fadhiyaa meel u hoosaysa qiimeynta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyo sidoo kale xuquuqda aadanaha, xorriyaadka madaniga ah iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM