Eritrea oo dib u soo ceshatay xubinimadiida urur goboleedka IGAD

Image
Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii hakisay xubinimadii IGAD, kaddib markii ay is-maandhaafyo soo jireen ah.

NAIROBI, Kenya - Eritrea ayaa dib ugu biirtay urur goboleedka IGAD, ku dhawaad ​​16 sano ka dib markii ay ka baxday ururkaasi, sidda uu shaaca ka dhigay wasiirka warfaafinta dalkaas Yemane Meskel.

"Eritrea waxay dib u bilowday hawlaheeda IGAD, wayna fadhiisatay kadib shir ay soo qabanqaabiyeen ururka todobada waddan oo ka dhacay Djibouti Isniintii," ayuu Meskel ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Meskel oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in dalku uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo “nabadda, xasilloonida iyo is-dhexgalka gobolka”.

Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii hakisay xubinimadii IGAD, kaddib markii ay is-maandhaafyo soo jireen ah, oo ay ka mid ahaayeen go'aankii ay Midowga Yurub ku dalbadeen Kenya inay dusha kala socoto xallinta muranka xuduudda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Dalkan ayaa ka go'ay Itoobiya sanadkii 1993-kii, waxayna dagaal xuduudeed laba sano ah la gashay deriskeeda kaas oo sumeeyay xiriirka ilaa heshiis nabadeed 2018-kii.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu saxaafadda u sheegay booqashadii uu ku tagay Kenya bishii Febraayo in dalkiisu uu dib ugu biiri doono IGAD "iyadoo fikradda ah dib u soo nooleynta ururkan gobolka."

Human Rights Watch ayaa bishii February ku baaqday in cunaqabatayn cusub lagu soo rogo Eritrea, iyada oo ku eedaysay in ay kumanaan qof oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaar ahayn isugu ururisay adeeg ciidan oo khasab ah, intii uu socday dagaalkii Tigrayga.

Dalka ayaa wuxuu ku fadhiyaa meel u hoosaysa qiimeynta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyo sidoo kale xuquuqda aadanaha, xorriyaadka madaniga ah iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM