Ethiopia Airlines oo shaacisay fursad faa'iido u ah rakaabka Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Shirkadda Ethiopian airlines ayaa ku dhawaaqday in caymis caafimaad ay siineyso rakaabkeeda, duullimaadyada dibadda.

Diyaaraddan oo ah tan ugu weyn Afrika ayaa shaacisay qorshana iyadoo dalal badan oo caalamka ah ay isku dadayaan inay dib u bilaabaan duullimaadyada. Weriyaha BBC-da Kalkidan Yibeltal ayaa sheegaya in shirkaddi ay ka mid tahay shirkadaha yar ee dunida ee ku guuleystay inay xakameeyeen khasaaraha ka dhashay coronavirus.

Shirkadda ayaa rakaabka ka bixineysa caymis caafimaad oo dhan boqol kun oo yuuro, iyadoo sidoo kale rakaabka laga helo xanuunka iyagoo ku safraya diyaaradda laga helo ka bixineysa lacagta ku baxaysa karantiilka labada toddobaad.

Diyaaradda ayaa khasaartay $900 milyan inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah, balse qeyb ka mid ah lacagtaas ayay soo celisay iyadoo diyaaradaheeda u beddeshay kuwo qaada xamuulka.

Toddoba iyo labaatan ka mid ah diyaaradaheeda ayaa loo beddelay kuwa qaada xamuulka.

Waxay haatan diyaaraddu isku dayeysaa inay dib u qaaddo rakaabka, kuna soo jiidato caymiska caafimaad.

Adeegga caymiska caafimaad ayaa sii socon doonaa ilaa March sanadka soo aadan ee 2021, waxaana ka faa'iidi kara macaamiisheeda gudaha Soomaaliya.

BBC + GO

Related Articles

Shiinaha iyo Jabuuti oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kana soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Somaliland ayaa sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya, tan iyo xilligaasna waxay yeelatay hay'ado siyaasadeed.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:45AM

Kenya oo xaqiijisay dhimashadii labaad ee Ebola, tirada dadka uu ku dhacay oo gaartay sagaal

Waxay halkaas ku heshay daryeel caafimaad, balse xaaladdeeda ayaa ugu dambeyn sababtay dhimashadeeda fiidkii Jimcihii.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:39AM