Ethiopia Airlines oo shaacisay fursad faa'iido u ah rakaabka Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Shirkadda Ethiopian airlines ayaa ku dhawaaqday in caymis caafimaad ay siineyso rakaabkeeda, duullimaadyada dibadda.

Diyaaraddan oo ah tan ugu weyn Afrika ayaa shaacisay qorshana iyadoo dalal badan oo caalamka ah ay isku dadayaan inay dib u bilaabaan duullimaadyada. Weriyaha BBC-da Kalkidan Yibeltal ayaa sheegaya in shirkaddi ay ka mid tahay shirkadaha yar ee dunida ee ku guuleystay inay xakameeyeen khasaaraha ka dhashay coronavirus.

Shirkadda ayaa rakaabka ka bixineysa caymis caafimaad oo dhan boqol kun oo yuuro, iyadoo sidoo kale rakaabka laga helo xanuunka iyagoo ku safraya diyaaradda laga helo ka bixineysa lacagta ku baxaysa karantiilka labada toddobaad.

Diyaaradda ayaa khasaartay $900 milyan inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah, balse qeyb ka mid ah lacagtaas ayay soo celisay iyadoo diyaaradaheeda u beddeshay kuwo qaada xamuulka.

Toddoba iyo labaatan ka mid ah diyaaradaheeda ayaa loo beddelay kuwa qaada xamuulka.

Waxay haatan diyaaraddu isku dayeysaa inay dib u qaaddo rakaabka, kuna soo jiidato caymiska caafimaad.

Adeegga caymiska caafimaad ayaa sii socon doonaa ilaa March sanadka soo aadan ee 2021, waxaana ka faa'iidi kara macaamiisheeda gudaha Soomaaliya.

BBC + GO

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM