Ethiopia oo Liiska Argagaxisada ka saartey ONLF iyo Ururo kale

Image

ADDIS ABABA - Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Ethiopia ayaa maanta oo Khamiis ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeer uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu Liiska Argagaxisada uga saarayo jabhado dalkaasi ka dagaalamaya.

Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda, waxuu Baarlamaanka ogolaadey in Liiska Argagaxisada laga saaro Ururada kala ah Oromo Liberation Front [OLF], Ogaden National Liberation Front [ONLF] iyo ‘Ginbot 7’.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah Isbedellada uu wado Abiy Axmed ee uu ku doonayo inuu nabada iyo xasiloonida kusoo dabaalo dalkan, oo kamid ah kuwa ugu xukunka adag Africa, islamarkaana qalalaase ay ka jirtay sanadihii dambe.

Fitsum Arega, oo ah madaxa shaqaalaha ee Xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Sabtidaan maanta ah daboolka ka qaaday in tallaabadan ay dhiir-gelinayso nabada, sidoo kalena sare u qaadayso xasiloonida Ethiopia.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha bishii April kadib markii uu is-casilay Hailemariam Desalegn February ayaa waxaa ka socday Ethiopia dabeylo isbedello siyaasadeed wata.

Xukuumadda cusub ee Addis Ababa ayaa xabsiga kasoo daysay Todobaadkii tagey Cabdikariim Muuse [Qalbi Dhagax], oo kamid ah Saraakiisha ONLF, kaasi oo September 2017 u gacan gelisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sii deynta Qalbi Dhagax ayaa looga golleeyahay in lagu fududeeyo wadahadallada u socda dowladda Ethiopia iyo Jabhadda ONLF, taasi oo deegaanada ay ka dagaalanto dowladda ay qorsheynayso inay shidaal kasoo saarto.

- Sooyaalka Saddexda Urur -

Ginbot 7, oo ah koox mucaarad ah oo la mamnuucay ka dib doorashadii lagu murmay ee 2005-kii - taariikhda dalka Ethiopia - ayaa sheegatay weeraro badan oo dhiig uu ku daatay, taasoo keentay in argigixiso looga aqoonsado gudaha dalkaasi.

Laakiin, isku soo dhawaansho dhanka dowladda ah iyo Kooxda ayaa timid kadib markii lasii daayey bishii hore Andargachew Tsige, oo ahaa sarkaal sarre oo ka tirsan Ginbot 7, kaasoo lasoo xiray sanadkii 2009-kii, laguna xukumay xil toogasho ah.

Geesta kale, OLF waa isana Urur, kaasoo u doodaya in aqoonsi ay helaan dadka Oromada oo kamid ah Qowmiyadaha ugu waa weyn Ethiopia, iyagoo dega dhulka Jooga sare leh ee Ethiopia.

Ugu dambeyn, ONLF, waa koox hubeysan oo u dagaalameysa inay xorriyad ay heleen Soomaalida ku nool Galbeedka Ethiopia, waxaana ay dagaal wadaan tan iyo sanadkii 1994-tii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM