Ethiopian airlines oo dib u billowday duulimaadka Muqdisho 41 sano kadib
MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Ethiopian airlines ayaa markii ugu horeysay mudo 40 sano ah sameysay duulimaadkii ugu horeeyay oo toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa maanta oo Sabti ah.
Tani ayaa qeyb ka ah xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Ethiopia ee dariska ah, islamarkaana ku yaalla geeska Africa, kuwaasoo dhawaan kala saxiixday heshiisyo ku toqoto maalgashiga iyo ganacsiga.
Diyaarad ay leedahay Ethiopian airlines ayaa caga dhigatay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, taasoo waday rakaab ay kasoo qaadey magaalada Addis Ababa, oo u badan dad Soomaali ah.
Saraakiisha Shirkadda Ethiopian airlines ayaa sheegay in todobaadkii ay sameyn doonaan 4 duulimaad oo isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho, kadib markii ay ogaadeen inay jirto baahi badan oo addeeggan loo qabo.
"Maalin taariikhi ah inaan billowno duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Addis Ababa iyo Muqdisho. Tani ma ahayn wax sahlan, waxaana isku dayaynay mudo badan, laakiin ugu dambeyn waan ku guuleysanay," ayuu yiri Abera Lemi, oo ah mulkiilaha Ethiopian airline, oo ka hadlay xaflad lagu qabtey Garoonka Muqdisho.
Ethiopian airlines waxay bishii July daah-furtay duulimaadka Addis Ababa iyo Eritrea, 20 sano kadib markii ay heshiiyeen labada dal, islamarkaana ay soo afjareen colaad gaamurtay soo socotay tan iyo 1998.
Geedi-socodka nabada ee uu wado Ra'iisul Wasaaraha isbedel doonka ah ee Abiy Axmed ayaa gobolka ka dhigay mid xasiloon, oo neecaw nabadeed laga dareemayo, islamarkaana dalalka gobolka heshiis noqonayaan.
Soomaaliya ayaa soo celisay xiriirkii Eritrea, si lamid ah Ethiopia oo dhabaha u xaartay, iyadoo hadda laga shaqeynayo in la dhameeyo colaadda Jabuuti iyo Asmara, oo madaxdooda dhawaan Sacuudiga ku kulmeen.
Bishii June, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa booqday Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay Madaaxweyne Farmaajo, oo isku afgartay inay xoojiyaan xiriirka labada ay ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Labadan wadan ayaa dhex-maray dagaallo ku saleysan muran dhuleed, kuwaasii kala irdheeyay labada dowladooda iyo shacabkuba, inkastoo boggaasi hadda la rogay, una furmay mid cusub oo iftiimaya.
Sanadkii 2006, dowladda Ethiopia ayaa ciidamo u dirtay Soomaaliya si ay cagta u mariyaan Maxkamadihii Islaamiga ee xilligaasi ka talin jiray dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta, oo Muqdisho kamid tahay.
Khubarada la dagaalanka argagaxisada ayaa sheegaya in faragelintaasi ay a dhalatay inay abuuranto Kooxda Al-Shabaab, oo ah mida ugu halista badan xilligan Geeska Africa, islamarkaana khalkhal gelinaysa amniga.
GAROWE ONLINE