Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka hirgelineysa Jigjiga iyo Soomaaliya

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Shirka Duulimaadka ee Itoobiya ayaa rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in ay kordhineyso duulimaadyadda joogtada ah oo ay ku tagto waddanka Soomaaliya.

Madaxa warbaahinta Ethiopian Airlines ayaa wuxuu shaaciyey in uu socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay oo ay ku hirgelinayaa arrintaan.

Asrat Begashaw oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uusan soo bandhigin magaalooyinka uu ku sii jeedo duulimaadkan cusub oo saldhigiisu yahay xarunta gobolka Soomaalida ee Jigjiga.

Balse waxa uu kaliya kusoo koobay in ay Soomaaliya ku tegi doonan, taasi oo ka dhigan in magaalooyin kala duwan ay tegayaan, wallow uu isbedel imaan karo.

Sidda uu dhigayo xeerarka caalamka, diyaar-garowga waxaa qayb ka ah gaba gabeynta geedi u socodka socdaalka iyo Kastamka.

Sikastaba ha ahataee, Ethiopian Airlines ayaa haatan duulimaadyo toos ah ka fulisa Addis Ababa iyo magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Si lamid ah, diyaaraddan ayaa waxay duulimaadyo isbuucii saddex jeer ah ay ka bilowday magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, caasimadda Puntland.

Hadalkan cusub ayaa kusoo aadaya iyadda oo shirkadda iyo dowlada Soomaaliya ay kawada xaajoonayaan heshiis u ogolaanaya shirkaddan in ay duulimaadyo ku tegi karto gobolada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM