Fahfaahin ku saabsan Dhulgariirka Kenya

Image

NAIROBI - Dhulgariir ayaa caawa abaare 7pm laga dareemay magaalooyinka Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu ee dalka Kenya, kaasi oo shacabka cabsi badan ku abuuray.

Sida laga soo xigtay shabakadda [www.earthquaketrack.com], dhulgariirka oo cabirkiisu gaarayay a 4.8 magnitude ayaa ku dhuftay sidoo kale magaaladda Wundanyi ee gobolka Taita Taveta 7.21pm.

Dhulgariirka oo ahaa mid aan xoog laheyn, ayaa socda mudo ilbiriqsiyo ah, iyadoo saraakiisha dalka Kenya ay sheegeen inuusan jirin wax khasaaro ah oo laga soo wariyay meelaha uu ku dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in gobollada qaar ay korontadii ka tagtay, waxaana hay'adda cimiladda qaranka Kenya ay sheegtay in xaaladda ay caadi kusoo laabatay dhulgariirka kadib.

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi ayaa kasoo baxay dabaqyada dhaadheer ee ay degan yihiin cabsi ay ka qabeen inay kusoo dumaan, iyadoo ku abuurmay welwel xooggan iyo argagax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM