Fanaan caan ah oo dacwad kusoo oogay madaxweynaha Uganda

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, waxaa dacwad kusoo oogay far-shaxaiiste ahna fanaan maxali ah, Richard Kaweesa, kaasoo ku eedeeyay in uu heestiisa 'Another Rap' u adeegsaday olalihii 2011-kii.

Kaweesa oo ku doodaya in Museveni aysan dacwadeed ka difaacay doonin xasaanada uu leeyahay ayaa shaaciyey in wax soosaarkiisa gaarka ah iyo hal-abuurkiisa uu sharciga u ogolaanayo in uu difaacdo.

"Qodobka 104aad ee dastuurka ayaa qeexaya ficilada shaqsiga ah ee doorashada marka madaxweynaha xasaanada uu leeyahay kama sareyso nidaamka sharciga ee maxkamada," ayuu Kaweesa ku yiri qoraal uu soo saarey.

Heesaagan ayaa ku nuux-nuux saday in cabashadadiisa oo gaartay hogaamiyaha Yugandha mudada ay socoto maxkamadeynteeda madaxweyaha laga xayuubin doono xasaanada, sida uu qabo qodobka 107aad ee dastuurka.

"Sidaasi awgeeda, ma ahan guud ahaan falalka uu madaxweynaha ahaan ku melatayo, kuwaasoo ay ilaalinayaan xasaanada madaxtinimada," ayuu hadalkiisa raaciyey Fanaankaan caanka ah.

Hal-abuurahan ayaa sanadkii hore codsi u qoray madaxweyne Museveni, isaga oo dalbanaya in la siiyo Shan bilan oo dollar-ka Mareyanka oo magdhow, maadaama lagu gafay xuquuqdiisa gaarka ah.

Kaweesa ayaa qiray in heestiisa oo uu qoray kadibna ku luuqeeyay ay caan noqotay ka gedaal markii uu Museveni ku olaleeyay, uuna ku guuleystay codadka doorashadii 2011-kii, taasoo si weyn loogu loolamay.

Isaga oo ka jawaabaya eedeymahaasi, madaxweyne Museveni oo dafiray sheegashooyinkaasi ayaa ku adkeystay in heestaasi uu sharciyeystay kahor isticmaalkeeda.

Qareenada difaacaya madaxweynaha ayaa tibaaxay in Museveni uu iib-saday heesta, taasoo ka dhigeysa in uu ogolaanshiyo u haysto ama uu isaguba leeyahay xuquuqdeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM