Faransiiska oo duqeyn cirka ah "ku khaarijiyey 40 dagaalame"

Image
Maleyshiyadan ayaa lala xiriirinayaa weeraro lagu hoobtey oo dhacay todobaadyadii u dambeeyay.

PARIS, France - Ciidamada Faransiiska ayaa ku dilay Burkina Faso 40 dagaalyahan oo lala xiriirinayo weerarro lagu hoobtay oo toddobaadkan ka dhacay dalka ay deriska yihiin ee Benin kuwaasoo uu ku dhintay qof Faransiis ah, sida ay ciidamadu sheegeen Sabtidii.

Kumaandooska Faransiiska ee ku sugan gobolka Saaxil “waxay heleen macluumaad sirdoon oo ku saabsan mitidiinta" mas’uul ka ahaa weerarrada, iyaga oo qaaday weerarro xagga cirka ah oo lagu dilay 40 maleyshiyo, ayuu yir taliska guud ee ciidanka.

Nin Faransiiska u dhashay ayaa ka mid ahaa sagaal qof oo toddobaadkan lagu dilay laba weerar oo ka dhacay seeraha National Park, oo ah kayd duurjoogta ah oo ku taal waqooyiga fog ee Benin oo xuduud la leh Niger iyo Burkina Faso.

Sida ay sheegtay dowladda Benin, weerarka koowaad oo dhacay Talaadadii waxaa ku nafwaayey shan ka mid ah ilaalada beerta, hal sarkaal, hal askari iyo tababare Faransiis ah markii gaari ay la socdeen uu dul-maray qarax miino.

Laba maalmood ka dib, sagaal sarkaal ayaa ku geeriyootay qarax kale oo loo dhigay gaari ay la socdeen. Labada gaari waxay ku jireen howlgal roondo ah oo ay ku qiimeynayeen xaaladda seeraha.

Weeraraddan ayaa ahaa kuwi ugu dhimashada badnaa ee dhawaanahan ka dhacay dalka Benin iyadoo wadamada ku teedsan xeebaha Galbeedka Afrika ay wajahayaan qulqulatooyin kaga imaanaya wadamada Sahel ee dagaalka kula jira jihaad-aloosyaasha.

Dalka Benin ayaa muddo dheer ka mid ahaa dalalka sida aadka ah u xasiloon ee Galbeedka Afrika, halkaas oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo Al-Qaacida ay khatar ku yihiin waddamada Saaxil.

Kooxaha wax tahriibiya ayaa sidoo kale ka hawlgala xuduudahooda. Bishii Janaayo, laba askari oo ka tirsan ciidamada Benin ayaa la dilay kadib markii gaari ay wateen uu haleelay walxaha qarxa ee waqooyiga gobolka Atakora. Falkaas waxaa lagu eedeeyay kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM