Faransiiska oo soo afjaraya howlgal uu 8-sano ka waday Afrika

Image
Talaabadan ayaa soo degdegtay kadib cadaadis gudaha ah iyo markii dadweynaha ay ku kaceen.

PARIS, France - Madaxweyne Macron ayaa khudbad uu jeedinayo Arbacada maanta ah si rasmi ah ugu soo afjari doona howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee Faransiisku ka waday gobolka Sahel muddo 8 sano ah.

Hawlgalka Barkhane ayaa ahaa mid aan shaqayn tan iyo bishii Febraayo, markaasoo Faransiisku uu ku dhawaaqay inuu ka baxayo Mali. Ciidamadii ugu dambeeyay ee Faransiiska ayaa ka baxay saldhigii ay ku lahaayeen magaalada Gao ee dalka Mali 15-kii Ogosto.

Sida laga soo xigtay Elysée Palace, Mr Macron wuxuu hadal-jeedintiisa ku qeexi doonaa halka cusub ee Faransiiska mudnaan siinayo marka ay timaado faragelinta milatari ee Afrika.

Ku dhowaad 5,500 askar Faransiis ah ayaa howlgalkan lagu bilaabay sanadkii 2013-kii. Hadafka wuxuu ahaa in Mali laga sifeeyo qulqulka mitidiinta. Dalalka kale ee ku bahoobay iskaashiga ayaa kala ahaa Niger, Chad, Burkina Faso iyo Mauritania.

Cadaawadda sii kordheysa ee Faransiiska ee ka dhex jirta dadka maxalliga ah - oo ay taageerayaan baraha bulshada iyo macluumaad khaldan oo baahsan - ayaa howlgalka ka dhigtay mid aan la mahadin iyo mid khatar ah.

Tani ayaa ku qasabtey hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo milatariga ee Faransiiska in ay dib uga fekeraan howlgalkan ayna qaataan go'aanka ay kusoo gabagabeynayaan.

Dharbaaxadii ugu dambeysay waxay ahayd afgambigii 2020 ka dhacay Mali, kaas oo hoggaamiyayaashiisu ay ku eedeeyeen Faransiiska faragelin, beddelkeedana ay u weecdeen ammaanka kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner.

Mr Macron ayaa la filayaa in uu sheego in Faransiisku aanu ka tagin dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee gobolka, balse hadda dadaalladu ay ku dhici doonaan shuruudo kala duwan.

"Ilaa 3,000 oo askari oo Faransiis ah ayaa ku sii sugnaan doona Niger, Chad iyo Burkina Faso - laakiin uma dhaqmi doonaan si madax banaan, kaliya waxay fulinayaan howlgalada sida fiican loo qorsheeyay," ayay warbixintu raacisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM

Ibraahim Traore: "Iska Hilmaama Dimuqraadiyadda, Way Na Laynaysaa"

Hadalka Traore ayaa ku soo beegmaya xilli ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch uu soo saaray warbixin naxdin leh.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 08:19AM