Fayruska Corona oo dib-u-dhac ku keenay doorashooyinka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaciyey in aysan qaban karin coddeynta guud ee qorshuhu ahaa in sanadkan ay ka dhacdo dalkaas, sababo ku aadan faafitaanka Covid-19.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu sheegay in ay dib u dhigeen doorashooyinka.

Dib-u-dhaca ayaa lagu qeexay mid ku meelgaar ah. Doorashooyinka waxaa horey loo muddeeyay in ay dhici doonan 29-ka bisha August, 2020.

"Faafitaanka fayruska oo labadii todobaad ee lasoo dhaafeeyay saameeyay dalka ayaa caqabad ku noqdey shaqooyinka ku geedaaman doorashooyinka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbiyada siyaasada oo kaalinta ugu weyn leh ayaa lagu caddeeyay warka qoraalka ah in laga talageliyey go'aanka joojinta doorashooyinka.

"Hay'addaha kale ee dowladda ayaa kaalin latalin lahaa. Dib ayaa laga soo sheegi doonaa waqtiga ay dhaceyso doorashadda," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka guud ee Itoobiya waxaa la rajeynayaa in ay sawir guud ka bixin doonan taageerada uu haysto ra'iisul wasaare Abiy Axmed, kaas oo xafiiska ku yimid isbedel siyaasadeed oo ka hirgalay dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM