Gaadiid ku xaniban inta u dhaxaysa Mandheera iyo Wajeer

Image

Mandheera (GO) - Deegaanka Kutulo Mandheera ayaa waxaa ku xaniban ku dhawaad 30 Gaadiidka Xamuulka ah kuwaasi oo halkaasi ku xaniban labadii todobaad ee u danbeeyay.

Gaadiidkaan oo sia khudaarta ayaa halkaasi ku xaniban iyada oo lagu waramay in ay u raran yihiin inta badan Ganacsato haween ah oo gaaraya ilaa 150.

Cabdi Ibraahim oo kamid ah Darawalada gaadiidkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in deegaanka ugu dhaw ee ay ka helayaan cuno iyo makhaayado uu u jiro ilaa 2KM isla markaana ay u lugeeyaan ilaa labo saac.

''Baabuur isku dayay in ay wareegaan dhinacaan Tarbaji iyaguna dhiiqo ayay galeen waxaana gaadiidkaanu ay yihiin dhamaantood kuwa xamuulka qaado''.

Khudaarta, Cambaha, Babaayga, Avecado iyo Yaanyada ayaa u badan xamuulka Gaadiidkaan iyada oo ganacsatada danyarta ee Mandheera ay ku socoto maalmaha ay xaniban yihiin khasaaro aan laga kabsan karin sida Cabdi Ibraahim uu sheegay.

''Magaalada khudaar la'aan iyo nafaqo la'aan ayaa loo dhimanayaa in Deg-deg loo furo wadadaas ayaa loo baahan yahay''.

Iyada oo lagu jiro Xilli roobaadka ayaa deegaanadaasi waxaa saamayn ku yeeshay roobabka iyada oo Darawaladu ay codsanayan in Dayactir lagu sameeyo wadada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM