Gaari shan bilood kahor laga xaday madaxweyne oo la helay

Image

NAIROBI, Kenya – Ma ahan arrin sahlan in aad xatooyo sameyso, inkasta oo lagu sii kala xariifsan yahay, kaba sii daran marka ay tahay hanti dowladeed gaar ahaan madaxwayne.

Hasayeeshee, waxaa sheekadaasi shan bilood kahor ku dhiiraday nin, kaasi oo lasoo baxsaday gaari uu lahaa hogaamiyaha wadanka Uganda ee qaarada Afrika.

Tan iyo waqtigaasi laamaha amaanka ayaa ku raad-joogay shaqsigaasi oo la sheegay in uu lasoo aaday dhanka dalka Kenya

Baabuurka oo noociisu yahay Toyota Kluger ayaa laga helay buunadada Gilgil, oo ku taala magaalada Naivasha ee dalka Kenya, inkasta oo baxsaday ruuxii lahaa.

Waaxda Dambi Baarista oo qirtay in ay tageen gaariga oo meel iska yaala ayaa sheegaysa inay mar sii horeysay heli lahaayeen ciladu ay kamid markii la badalay aqoonsiga lamberkiisa.

Lama hubbo hadii gaariga uu yahay mid uu si shaqsi ahaan u leeyahay madaxwayne Yoweri Museveni ama hadii uu kamid yahay hantida madaxtooyadda.

Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ayay ahayd markii gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha Kenya oo la xday laga soo helay Tanzania.

Laba ruux ayaa xiligaasi loo xiray dhacdadaasi, sida ay sheegeen Booliska, wallow warkooda aanan dib dambe loo maqlin, taasi oo dadka ay su'aallo iska waydiinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM