Gabadha Uhuru Kenyatta oo lagu digtay kadib hadal muran dhaliyey

Image

NAIROBI, Kenya – Gabadha madaxwene Uhuru Kenyatta ee Ngina, ayaa Axadii soo toostay iyadda oo Kenyaanka ay ku maadeysanayaan fariinteedii "shaqaaleysiinta da'yarta" oo carro keentay.

Ngina, oo loogu magacdaray ayeeyadeed, ayaa waxay u muuqaneysay in ay isku dayeysay in ay dadweynaha kusoo hirto mashruuca Kenyatta Trust, halkaas oo ay ka tahay agaasime in muddo ah.

"Ruux waxaad siisaa hal maalin oo cuntoo ah iyo kalluun, kadibna waxaad tustaa sidda kaluunka iyo cuntada ay nolol u yihiin," ayay ka tiri munaasabad lagu qabtay magaaladda caasimada ah ee Nairobi.

Kenyatta Trust ayaa waxa uu ka shaqeeyaa sidii wax looga bedeli lahaa nolosha dhalinyaradda ku dhaqan Kenya.

"Aniga waxaan rumeysanahay in jirkeenu u baahan yahay is-aaminaad si aan u isugu dayno hadafka, annaga oo jiilka cusub u abuureyna hab-feker leh oo fulinta baahiyaha dunidan is-bedelaysa".

Ngina ayaa tusaale ahaan waxay u soo qaadatay nin lagu magacaabo Moses Etot oo kasoo jeeda ismaamulka Turkana, isla markaana kusoo qaatay koorso Injineeriyada Batroolka ah dalka Shiinaha.

Sikastaba, Kenyaanka ayaa u muuqday kuwa aad uga caroodey hadaladeeda ku saabsan "arrinta shaqo la’aanta" ee ka jirta gudaha Kenya iyo Afrika, iyaga oo ku digtay kuna qeexay "erayo jees-jees ah".

Qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshadda ayaa waxay ku muujiyeen dareenkooda, wallow ay jireen tirro kale oo soo dhaweeyay.

"Markii aan annagu ahayn dhalinyarradda waxaan wajihi jirnay oo aan raadin jiray xalka arrinta shaqo la’aanta annaga oo aadeynay meelo cusub oo wax tar leh," ayay hadalkeeda kusoo afmeertay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM