Gabar 13-jir oo uu laba jeer uureeyay awowgeed oo afka furatay
NAIROBI, Kenya – Tobban iyo saddex sano jir agoon ah, taasi oo haatan uur saddex bilood uu u yeelay awowkeydeedii ayaa sheegeysa in dooneyso in ay ilaaliso cunugaasi oo aysan iska soo xaaqin.
Aamina [ma ahan magaceeda saxda ah] ayaa u sheegtay joornaalka THE STAR ee kasoo baxa dalka Kenya, in odayga dhalay aabaheed uu si joogto ah ugu xadgudbayay afartii sano ee lasoo dhaafay.
Waxay tiri, waa uu ii mahadcelinayay mar walba oo uu iigu sameeyo ficiladaasi wuxushnimada ah, wuxuuna i siin jiray Kun shilling oo lacagta Kenya ah si aanan u soo bandhigin tacadiyada uu ii geysan jiray.
"Markii aan u sheegay qoyskeyga in aan Uur leeyahay, waxay igu dhaheyn waad dhimaneysaa hadii aad iska soo xaaqo. Sidaasia awgeeda, waan ilaalin doonaa," ayay daba dhigtay iyadda oo qiireysan.
Eedeysanaha, Suleymaan Xuseen, ayaa habeenimadii Talaada lagu xiray qol ku yaala hoygooda, waxaana la dhigay saldhiga bileyska ee degmada Kilimani, oo ka tirsan magaaladda caasimada ah ee Nairobi.
Jimcadii, wadaadka Muslimka ah ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu taataabtay qaybo kamida jirka gabar yar. Maxkamadda waxay ku gacan-seyrtay dalab damaanad kusii deyn ah.
Maxkamada oo dalbatay in lasoo dhameystiro caddeymaaha kiiskaan ayaa fartay in Suleymaan lagu sii hayo xabsiga.
Talaaladii, Isbitaalka haweenka ee Nairobi, ayaa wuxuu xaqiijiyey in Aamina ay leedahay Uur saddex bilood ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in ay qaybo kamida jirkeeda ay soo gaareen nabaro ka dhashay is-difaacid ay sameysay iyo waxyeelo daran.
Dhamaan sheekadan waxay soo bilaabatay 2016-kii markaasi oo ay ahayd fasalka koowaad, waxaana awowkeeduna uu ficiladan nijaasnimada ah uu ku kacayey xili ay xaaskiisa shaqada ku mashquulsaneyd.
Dhibanaha cadaalada dalbanaya ayaa si jilicsan u sheegtay in ayeeyadeed ay iska-tireysa wax kasta oo ka dhacayay guriga.
Markii ay uurkii koowaad qaaday bishii May sanadkii hore, ayeeyadeed ayaa u fududeysay in ay iska xaaqdo.
Aamina ayaa tiri "Xuseen waa uu ii hanjabi jiray marka aan ayeeyadey u sheegay dhibaatada uu ii geysanayo".
Waxay intaasi raacisay "Ma aanan ogeyn wax kasta oo dhacayay illaa iyo aan ka arkay aniga oo dhiig-baxaya".
"Wuxuu iigu goodin jiray in uu dadka isugu yeerayo si ay ii garaacaan, hadii aan u sheego dad kale," ayay xustay.
Maalin maalmaha kamid ah ayay si geesinimo ah ugu wargelisay dariskeeda, kuwaasoo yaqiin-saday falalka wuxushnimada ah.
"Markuu Masjidka aado, waxaan aadi jiray guryaha deriska, oo aan u sheegi jiray waxa dhacaya. Aad ayaan uga naxay markii aan ogaaday in aan anigu kaliya ahayn dadka uu sidaasi yeelay, bulshaduna way ogaatay falalkiisa," ayey tiri.
Wadaadka ayaa Aamina u bedelay dugsiyo kale oo ku yaalla Nairobi kadib markii xantu suuqa ku gashay si degdeg ah.
Sanadkii 2017-kii, hay’adda Nubian Rights Forum ayaa baaris ku bilowday kiiskaan markii macluumaadka ay ka heshay deriska.
Reerkeedu ayaa lagu waramayaa in ay ogaayeen ficilada, aysana dooneynin in wax talaabo ah laga qaado.
Gabadhaan hadda dhigata fasalka lixaad ayaa markii ugu dambeysay ee lagu xadgudbay waxay ahayd 18-kii May xili uu Xuseen isku diyaariyey Masjidka.
Xuseen ayaa lagu waramayaa in uu guursaday laba xaas.
Waaxda Dambi Baarista ayaa kusoo oogtay dacwad ku saabsan in uu ku tuntay xuquuqda ilaalineysa caruurta.
Baareyaashu waxay tibaaxeen in howlgalkooda uu soo gabagaboobay, isla markaana ay ka shaqeynayaa sidii loo maxkamadeyn lahaa.
Hase yeeshee, waxaa jira eedeymo sheegaya in qoyska Xuseen uu doonayo in la kala dhentaalo hanaanka cadaaladda.
GAROWE ONLINE