Gabar wariye ah oo xabsi loo dhigay in ay Ilmo iska soo xaaqdey

Image

RABAT, Morocco – Mas'uuliyiinta Morocco ayaa xabsi u taxaabey gabar wariye ah oo la shaqeysa wargeys kamid ah kuwa ugu afka dheer ee kasoo baxa dalkaas.

Hajar Raissouni oo kamid ahayd wardoonka joornaalka Akhbar al-Yaoum ayaa waxaa la xiray 31-ka bishii August ee sanadkan.

Dacwad oogeyaasha ayaa ku eedeeyay Raissouni "in ay si sharci darro ah ilmo isaga soo riday markii ay sameysay gogol dhaaf".

Xarigeeda oo carro xoogan ka dhex-abuuray wadankaasi ayaa waxaa cambaareeyay qaar kamid ah ururada saxaafada wadankaas.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay HRW oo talaabadan ku tilmaamtay "mid xadgudub ah" ayaa codsatay xorriyadeeda loo celiyo.

Amnesty International ayaa sidoo kale qabashada gabadhan ay ku sifeysay "cadaalo darro ah" iyo "duulaan ka dhan ah shaqsiyadeeda".

Ilmo iska xaaqitanka ayaa waxay mamnuuc ka tahay gudaha dalka Morocco, hadii aysan hooyaddu soo food-saarin xaalado khatar ah.

Sikastaba ha ahataee, Marka la joogo dalka ciqaab ahaan shaqsiyaadka lagu helo dambiyo la xiriira arrintan ayaa waxa uu ku muteysan karaan laba sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM