Ganacsade Soomaali ah oo lagu khaarijiyey dalka Koonfur Afrika

Image

CAPE TOWN, South Africa – Dabley ayaa waxaa lagu waramayaa in ganacsade Soomaali ah ay ku toogatay magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Burcadda ayaa waxaa la sheegayaa in Colaad Caddow Absuge ay ku dhex-dishay goobtiisa ganacsi oo halkaas ku taala.

Gacan ku dhiigleyaasha oo dilka u adeegsaday Bastoolad ayaa meesha ka baxsaday kahor inta aysan imaan bileyska.

Taliska Booliska oo falkan ka fal-celiyay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay ka xun yihiin qaabka ay wax u dhaceen.

Balse ma aysan soo qaadin hadii ay ka daba tagi doonan, inkasta oo ay tahay wax aanan horey looga baran in ay soo qabtaan.

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo sheegtay in ay warbixinta heshay ayaa sheegtay in ay hay'adda nabad-gelyadda ka raadin doonto tafaasiil dheeri ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumada federaalka ah ayaa tacsi u dirtey ehelka marxuumka oo ku kala nool gobolada kala duwan ee waddanka.

Bishii hore ee Octobe 2-deeda, deegaanka Soshanguve oo ka tirsan Pretoria waxaa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Xasan Buulle oo ganacsade ahaa ayaa lagu dhex-beegsaday mehradiisa xili aysan wali jirin cid loosoo xiray falkaas foosha xun.

Koonfur Afrika waxaa aad ugu badan rabshadaha ka dhanka ah ajaaniibta, taasoo dowladda ku fashilantay in ay xakameyso.

Kooxaha ah u dooda Koonfur Afrikaanka madowga ah ayaa waxay ku doodayaan in shaqooyinkooda yar-yar ay kala wareegeen cadaanka iyo soo galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM