Ganacsatada qaadka Kenya oo sheegay in ‘isbaaro’ loo dhigtay garoonka Jomo Kenyatta

Image

NAIROBI, Kenya- Urur ay leeyihiin ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa cabasho weyn ka qaba lacago baad ah oo ay sheegeen in looga qaado garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jommo Kenyatta, gaar ahaan marka ay dhoofinayaan qaadka u baxa Soomaaliya. 

Mudane Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha ururka Nyambene Miraa Traders Association ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in calaa kiilo laga qaado lacag dhan $4.5 doolar, taas oo uu sheegay in lagu qasbay sifo loogu ogolaado suuqa qaadka ee Soomaaliya.

Lacagahan dheeraadka ah ee qasabka ah ayaa keenay in qiimaha kiilihii qaadka uu magaalada Muqdisho ka gaaro $23 doolar, iyada oo welwelka ugu badan ee ganacsatada Kenya ay qabaan ay tahay in markani aysan la tartami karin qaadka laga keeno Itoobiya oo isagu ah $19 doolar kiilihii, ayna muuqato in hadda ay isku qiimo dhowyihiin, isagana ka raqiisanyahay.

“Arrintii ahayd qaadka Kenya waa ka tayo wanaagsanyahay kan Itoobiya, waa ay inoo shaqayn la’dahay hadda” ayuu yiri ninkani oo intaasi ku daray in haddii arrimaha sidan kusii socdaan ay xaaladda gaari karto meel uu ganacsigooda burburo.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shikh booqasho ku yimaado  dalka Kenya. Xasan Shiikh ayaa ka qayb gali doona caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Waxaa jira lacago kale oo ganacsatada Kenya ay galaan oo ay ka midtahay canshuurta Soomaaliya, lacagta gaadiidka, tan beerta marka laga soo gooyo iyo kuwayoon badan, xilli ay sheegeen in beeralayda Itoobiya ay hadda labo jibaareen dedaalkooda ku aaddan in ay tayo u yeelaan qaadkooda si uu tartanka u galo.

Markii la furey suuqa qaadka ee Soomaaliya, tirada ganacsatada dhoofinaysa qaadka waxa ay ahaayeen 16, haddase waxa ay hoos ugu dhaceen 7 oo keliya sababo la xiriira culeesyadan taagan.

Ururka ganacsatada Qaadka ee Kenya waxa uu aaminsanyahay in dulaaliinta lacagaha ka qaadaya dhoofka qaadka ay xiriir dhow la yihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM