Garoonka diyaaradaha oo lagu qabtay Khaad loo dhoofin rabay Norway

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka amniga Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Nairobi ku qabtay laba la tuhunsane kuwaasoo Khaad tankiisu yahay 140 kilogaraamis u dhoofin rabay waddanka Norway, sidda ay wararku xusayaan.

Sidda laga soo xigtay warbixin uu daabacay Wargeyska The Standard, eedeysaneyaasha waxay maandooriyaha ku qariyeen kabo buud ah, waxaana mas'uuliyiinta ay tibaaxeen in dadkaan ay qarinayeen Khaadka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii isla garoonka Jomo Kenyatta International lagu qabtay Soomaali la wariyey in ay maandooriye wadeen. Shaqsiyaadka cusub ee gacanta lagu dhigay ayaanan lasoo bandhigay jinsiyadooda.

Rakaabka lagu qabtay maandooriyaha ayaa la tabiyey in ay ku adkeysteen in Buursaday ku wadeen ay ku jiraan Digir iyo Bocor taasoo kolkii dambe u muuqaneysa in ay beenowdey markii ciidamadda ay baareen.

Booliska oo tibaaxay in ay baaris dheeraad ah u diri doonin shaqsiyaadkan ayaan meesha ka saarin in ay kasoo muuqan doonan maxkamadda.

Khaadka Kenya ayaa wajahaya culeysyo kala duwan tan iyo markii wadamada Yurub ay mamnuuceen 2014-15, waxaana suuqa ugu dambeeya oo haatan ah Soomaaliya loo hakiyey sababo la xiriira safmareenka Covid-19.

Ganacsatada iyo beeraleyda Khaadka ayaa ku tartarsiinaya dowladooda in ay talaabo qaado si ay u helaan suuqyo cusub, iyaddoo siyaasiyiinta ay ku dhiiragelinayaan in ay banaanbaxaan si codkooda ay kor ugu maqasho dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM