Geelle oo u hanjabay dadka xili tirada kiisaska Covid-19 ay dhaafeen 800

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hanjabay shacabka waddankaas in ay soo rogi doonan bandow hadii aysan u hogaan-samin talooyinka caafimaad ee Coronavirus.

Hadalka Geelle ayaa kusoo aadaya xilli ay si weyn u korortay tiradda kiisaska Covid-19 oo waqti xaadirkaan kor-u-dhaafaya 800.

Warbixintii u dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujisay in wadartu tahay 847, laba dhimasho iyo 102 bogsasho ah.

Talooyinka caafimaad ee dadku u muuqdaa in aysan raacin waxaa kamid ah in ay guriyahooda joogaan iyo kala fogaanshiyaha.

"Walaalayaa waa in aad ka mid noqotaan xalka lagu ciribtirayo xanuunka, mana ahan in aad dhibaatada qeyb ka noqotaan," ayuu ku daray, isagoo ku adkeynaya dadweynaha in ay guriyahooda joogaan.

Sidda uu qiray Geelle, kiisaskii ugu dambeeyay ma ahan kuwa dibadda laga soo dhoofiyey, waxaa is-qaad-siiyey muwaadiniinta.

Bartamihii bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii Jabuuti ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus. Waqtigaas, waxaa laga helay saraakiil ciidan oo ka timid Spain, mid kamid ah dalalka uu aafeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM