Go'aan ay qaadatay Soomaaliya oo gorada isku geliyey madax Kenyan ah
MUQDISHO, Soomaaliya – Is-maan-dhaaf ka dhashay go'aanka ay Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku joojisay khaadka Kenya ayaa muuqanaya in uu kasoo dhex-if-baxayo mas'uuliyiinta xukuumadda Nairobi.
Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya kana mid ah xulafada madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa si adag wuxuu u naqdiyey hadal kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka isla waddankaas ee William Ruto.
Ruto oo xayiraada xukuumada Muqdisho si toos ah ula xiriiriyey dacwadda badda ayaa ku booriyey Khaadleyda Kenya in ay maandooriyahaan ku bedelaan khudaar ay nafsadooda iyo dadka uga faa'iideeyaan.
Isagoo degaan doorashada Igembe South ka jeedinayey khudbad uu ku daah-furay suuqyo cusub oo loo sameeyay Khaadka, Munya ayaa ku waaniyey Ruto in uu faraha kala baxo qadiyadda hada taagan.
Inkasta oo uusan magac shaagin, hogaamiyeyaasha ayuu cod dheer uga digay in ay siyaasadaan arrimaha ka ganacsiga Khaadka.
"Ma dooneyno in arrimaha ganacsiga Khaadka lagu lifaaqo is-qabqabsiga. Waxaa jira dad telefishinka dadka uga shegaya in ay goobaan xal kale. Hadii aan nahay bulshada Miiraha, waa aas-aaskeena," ayuu yiri.
Kenyatta ayuu ka codsaday in uu la kulmo daneeyayaasha ay khuseyso qadiyadan si uu u xaqiijiyo in aysan jirin dhibaato baahsan.
"Waa dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha tan isku dayeysa in arrintaan xalkeeda ku gaaro qaab diblumaasiyadeed," ayuu ku daray, isagoo Khaadleyda ugu laab-qabuujiyey in ay suuqyo heli doonan.
Xilli uu Axadii la hadlayey telefshinka Weru, Ruto ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya ay rabto in xiisada ku hesho dano gaara.
"Waxay joojiyeen ganacsiga Khaadka oo gacanteena koowaad ahaa. Waxaan kula jirnaa wadahadalo si loo kala saaro laba arrimood balse mar-xalada doorashada ayaa hoos u dhigtay geedi u socodka. Waxaan rajeyneynaa marka doorashada idlaato, in aan dib u bilowno gorgortan ganacsiga," ayuu yiri.
Ganacsatada Khaadka Kenya ayaa bishii August waxay wariyeen in Dowlada Soomaaliya ay shan shuruud ku xirtay qaadida xayiraada.
Shuruudahaas ayay ku kala sheegeen; Kenya oo Soomaaliya kula macaamiisha si siman, in ay ka baaqsato faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya, raaligelin ay ka bixiso xadgudubyada hawada, in ay ogolaato soo dhoofsashada Kalunka, Bariiska, Sonkorta, Malabka, Hilibka iyo Caanaha Soomaaliya, iyo Kenya oo joojisa in duulimaadyada Soomaaliya ku baarto Wajeer.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali laga hayn xaqiijin la xiriirta qadiyaddaan. Xafiiska Farmaajo waxaa lagu eedeeyay in uu dano siyaasadeed uga faa'iideystay hakinta Khaadka oo kolkii hore loo joojiyey Covid-19 awadiisa.
GAROWE ONLINE