Gobol ku yaalla Suudaan oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

Image
Ku dhawaad ​​7 milyan oo Suudaan ku nool ayaa waxay u qaxeen si ay ammaan uga raadsadaan dalalka deriska ah.

KHARTUUM, Suudaan - Mas'uuliyiinta Suudaan ee gobolka Al-Qadarif ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah kaddib markii ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ay la wareegeen gacan ku haynta wadada isku xirta gobollada bariga Al-Jaziira iyo Al Qadarif, oo ku dhow caasimadda Khartoum.

Gobolka, oo ku hawlanaa iska-caabinta RSF tan iyo bishii Abriil, ayaa sheegay in xaaladda degdegga ah lagu dhawaaqay iyadoo la raacayo sharciga xaaladaha degdegga ah iyo badbaadada dadweynaha.

"Isu-socodka waddooyinka, bannaanbaxyada iyo furitaanka meheradaha gobolka waa mamnuuc laga bilaabo 6-da galabnimo ilaa 6 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah ilaa ogeysiis dambe," ayaa lagu yiri bayaanka.

Kadib iska hor imaadyo xoogan oo 15-kii Diseembar ku dhex maray ciidamada gobolka iyo RSF dhulka miyiga ah ee waqooyi ee Wada Madani, oo ah magaalo dhexe, ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobolka Jaziira.

Markii ugu horeysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka oo galay bishii sagaalaad, RSF waxay weerartay Wad Madani, oo ah magaalada dhexe ee gobolka istiraatiijiga ah ee Al Jaziirah, oo loo yaqaan 'Sudan's granary', taasoo marin u ah dhammaan qeybaha dalka.

Suudaan waxaa hareeyay dagaallo u dhaxeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo General Abdel Fattah al Burhan, oo ah madaxa golaha sare ee talada haya, iyo RSF oo uu madax ka yahay General Mohamed Hamdan Daglo.

In ka badan 12,000 oo qof ayaa lagu dilay in ka badan 33,000 oo kalena waa lagu dhaawacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Ku dhawaad ​​25 milyan, oo ah kala bar dadka, ayaa u baahan gargaar bini'aadantinimo. Ku dhawaad ​​7 milyan oo Suudaan ku nool ayaa ku barokacay gudaha dalkaas ama waxay u qaxeen si ay ammaan uga raadsadaan dalalka deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM