Goobta lagu hayo dhakhaatiir ay Al-Shabaab afduubatay oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Muddo 15 bilood ah ayaa kasoo wareegatay markii laga soo qafaashay gobolka waqooyi barri ee Kenya dhakhaatiirta kala ah; Assel Herrera iyo Landy Rodríguez oo hadda ku jira gacanta ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta dalka ay u dhasheen ee Cuba ayaa warisay in xirfadlayaashaan caafimaad si joogto ah looga bedelo goobaha lagu hayo isla markaana loo kala wareejiyo degaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Warbixinta ayaa oday dhaqameedyo aan la magacaabin waxay kasoo xigatay in si gaar ah loogu hayo tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa haatan ku sugan ciidamo si gaar ah u taabacsan Dowladda Soomaaliya oo khilaaf salka ku haya siyaasad uu kala dhaxeeyo maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Herrera iyo Rodríguez ayaa kamid ahaa ku dhowaad 100 dhakhtar oo dowladda Cuba ay kula heshiisay dhigeeda Kenya in ay howlo caafimaad ka fuliyaan degaanada miyiga, waxaana la cusbooneysiiyey heshiiskaas.

Eheladooda ayaa walaac ka muujiyey badqabkooda iyo caafimaadkooda, iyagoo cuskanaya faafitaanka uu sameynayo caabuqa Covid-19.

Xukuumadda Nairobi oo meesha ka saartay in ay madax furasho kusoo deyneyso dhakhaatiirta ayaa lagu dhaliilay in aysan qaadin howlgal milatari oo ay ku hanjabtay in ay xorriyadooda ugu soo celin doonto.

Bishii May ee sanadkan 2010 ayay ahayd markii Al-Shabaab laga soo badbaadiyey Silvia Romano oo la baxday Caasha. Haweenayda oo la qafaashay kadib dhakhaatiirta ayaa ahayd samafale Talyaani ah.

Sii deynteeda oo su'aallo iyo tuhun badan dhalisay ayaa lagu waramay in ay iska kaashadeen sirdoonka Soomaaliya, Turkiga iyo Italy.

Ma cadda hadii dowladdaha Kenya iyo Cuba ay ku fekerayaan talaabo noocaas ah. Balse, illaa iyo haatan, ma muuqdo ifafaalo la xiriira.

Afduubka ayaa kamida ilaha ay dakhliga ka helaan kooxaha argagixisada ah, waxaana maleyshiyaadka Al-Shabaab ay kamid yihiin ururada noocaas ah, iyagoo beegsada samafalayaasha iyo wariyeyaasha dalalka reer Galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM