Gooni isu taaga kasoo ifbaxay Kenya ee keenay xiritaanka xadka Somalia

Image

NAIROBI, Kenya - Cabsi ku saabsan in koox cusub oo gooni isu taag ah ay ka faa'ideysato ganacsiga sharci daradda ah ayaa sababtay in Kenya ay ku dag-dagto xiritaanka sohdinta Soomaaliya, sidda uu ku waramayo wargeyska Daily Nation.

Talaadadii, xadka degaanka Kiunga ee maamulka Lamu waxa uu noqday mid kamida kuwii ugu dambeeyay ee la xiray xili mas'uuliyiinta ay ku doodeen in ay ka hortagaan marinka dhoofinta dadka iyo "ganacsatada argagixisada ah".

Muchangi Kioi, taliyaha bileyska gobolk, ayaa sheegay in askarta ay la wareegi doonan alaabta iyo wax kasta oo laga mamnuucay degaanka kuwaasi oo uu xusay in ay "dhiirogeliyaan" dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Kaliya sarakaiisha laamaha amniga ayaa loo ogol-yahay in ay ka gudbaan xuduudka. "Laga soo bilaabo walaac amni, waxaan kaloo ka war-qabnaa dhoofinta dadka iyo maandooriyaha. Taasi waa mid waajib ah in aan joojino. Waa la burburin doonaa kuwa lagu qabto".

- Xayiraad -

Iyada oo Mr Kioi uu fulinayo amar dowladda ee Lamu, saraakiil sare ayaa waxa uu kulan uga socdaa Nairobi kaasoo ay uga arinsanayaa kooxda cusub ee soo ifbaxday taasoo isugu yeertay "Dagaalameyaasha Xorta Ah".

Kulankaasi oo ay ka qeybgalayaan taliyeyaal amni iyo diblumaasiyiin ayaa waxaa lagu lafagurayaan kooxda kasoo if-baxday gobolka Waqooyi Bari ee gooni isu taaga dooneysa iyo halka ay dhaqaalaha ka helaan.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta maxaliga ah, kuwaasi oo badankooda guuldaro kala kulmay doorashadii guud ee 2017-kii, ayuu farta lagu fiiqayaan kulanka kaasi oo lala yeelanayo bushada Soomaaliyeed ee ku nool, Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasi oo la sheegayo in fekrada go'itaanka laga soo abaabulay.

Iyadda oo howlgalka ay Kenya kula dagaalameyso arrintaasi uu si xoogeysanayo ayaa waxaa jaraa’idka Daily Nation uu warinayaa in xukuumada Nairobi ay siyaasiyiinta ka xayirtay xisaabaadkooda dhaqaalaha ee Bankiyada iyo maalgelintooda illaa iyo laga xaqiijinayo.

- Xisbiga Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda -

Kooxda, taasoo illaa iyo haatan xubnaheeda aanan la qoon, waxa ay dhowaanahaanba kasoo muuqanayeen baraha bulshadda, iyaga oo dib u soo cusbooneysiiyey gooni isu taaga, taasoo Kenya ay kuso mooday xiligii ay ku hoos jirtay isticmaarkii Ingiriiska.

Gobolada Garissa, Wajir, Mandera iyo qeybo kamida Marsabit iyo Isiolo, ayaa inta badan loo yaqaanaa Degmooyinka Waqooyga Fog, waxaana u sameeyay gumeystihii Ingiriiska sababo ku aadan in maamulkiisa xiligii isticmaarka uu ka fogaa, sababo ku aadan cimilada oo adkeyd.

Axadii, kooxda fariin ay soo dhigtay Twitter-ka kaasi oo ay xubnaha ugu banaanbaxayeen in ay ka go’aan Kenya inteeda kale ayna noqdaan dal madax banaan ayaa waxay u muuqdaan kuwa joojiyey in ay ku biirayaan Soomaaliya oo ay markii horey doonayeen.

"Waxaanu nahay xisbiga arrimaha bulshada iyo siyaasada oo soo gudbinaya madax banaani uu helo gobolka Waqooyi Bari ee NFD, waa in aan ka xorownaa Soomaaliya iyo Kenya," ayay ku bilaabeen.

War-saxaafadeedka ayaa intaasi raaciyey: "Dhaqdhaqaaqani waxa uu ka dhashay markii ay joogto noqdeen tacadiyada Kenya iyo Al-Shabaab. Al-Shabaab waxay weerareysaa Ciidamada Kenya oo iyagana weeraraya shacabka aan waxba galabsan ee NFD. Ma jiraan wax badan".

- Weeraro -

Iyadda oo gooni isu taaga uu u ogolaanayo sharciga, mas'uuliyiinta ayaa dareemaya in la beegsanayo hay’addaha amniga – Booliska iyo Ciidamada Milatariga – kuwaasi oo dardargeliyay howlgaladda.

Talaabada Lamu ayaa macnaheedu wuxuu yahay in sohdinta Kenya-Soomaaliya ee laga soo bilaabo Mandera, Dhobley illaa iyo Kiunga aysan ka jiri doonin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah.

Todobaadkii hore, kalluumeysatada ayaa laga mamnuucay in ay kasoo jilaabtaan xeebaha Lamu, waxaana sare loo qaadey roondada dhanka ammaanka ah.

Sanadkii 2014-kii, wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa joojiyey in laga talaabo Mandera sababo ku aadan dhaqdhaqaaqyada argagixisada ah ee gobolka Waqooyi Bari.

Intaasi waxaa ay ka dambeysay markii weerar ay kooxda Al-Shabaab geysatay duulaan lagu khaarijiyey in ka badan 60 ruux.

Gaari rakaab oo Bas ah ayaa la weeraray isaga oo kusii jeeda Nairobi waxaana la dilay 28 qof oo badankooda ahaa macalimiin iyo shaqaale caafimaad.

Tobban maalmood kadib, 36 howladeeno qodista kaawada ka shaqeeya ayaa la dilay iyaga oo ku sugan goobtooda shaqo. Dowladda waxay xiligaasi xirtay xuduudka si loo yareeyo gelitaanka iyo ka bixitaanka Mandera.

Sikastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaq madax banaani doonitaanka ee kasoo if-baxay Kenya ayaa imaanaya iyadda oo xiisada u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi ee salka ku haysa xuduud badeed ay sii karaar qaadaneyso.

Eedeynta ku aadan in meelaha laga soo abaabulayo gooni isu taaga ay kamid tahay Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kuwa taxano ah oo bilooyinkii lasoo dhaafay soo baxayey.

Gobolka Waqooyi Bari oo markii hore ka tirsanaa dhulka Soomaaliya waxaa dhanka Kenya ku daray isticmaarkii Ingiriiska ee labada dowladood soo gumeystay, illaa iyo haatana ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo meel-marisay arrintaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM