Guddiga bilada nabadda aduunka oo baaq u diray xukuumadda Abiy

Image

OSLO, Norway – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wajahaya qalalaase cusub markii guddiga bixiya abaalmarinta nabada aduunka ee Nobel Peace Prize qoonsadeen howlgalkiisa milatari ee ismaamul goboleedka Tigray.

Isniintii, guddiga oo kamid ah kooxda Abiy 2019 u garatay bilada ayaa walaac ka muujisay dagaalka iyaggoo cod dheer ugu baaqay xabad-joojin.

Olav Njolstad, oo ah xoghayaha guddiga kaasoo u waramay Wakaaladda Wararka AFP, ayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh colaada wuxuu ugu baaqay in ay kala aragti-duwanaantooda kusoo gabagabeeyaan qaab nabadeed.

Xubnaha guddigaan oo ka kooban shan waxaa soo magacaaba Baarlamaanka Norway, waxaana ay abaalmariyaan dadka nabadda u ololeeya.

Sanadkii 2019-kii, Abiy ayaa abaalmarintan wuxuu ku muteystay markii uu soo gabagabeeyay colaadii mudada dheer kala dhaxeysay Eritrea.

Hasayeeshee, wuxuu wajahayaa cambaareyn ka gedaal markii uu howlgal milatari ku qaadey ismaamulka Tigray oo maamulkiisa mucaarad ku ah isla markaana ay isku qabteen arrimo ay kamid tahay baajinta doorashooyinka.

Colaadan labada todobaad lugaha lasii galeysa ayaa galaaftay nolosha boqolaal u badan askar labada dhinac iyo barakaca kumanaan Itoobiyaan ah.

Xilli jirto hadalheyn in lagala noqonayo, war qoraal ah oo kasoo baxay kooxda bixisa abaalmarinta nabadda aduunka ayaa lagu sheegay in Abiy uu wali yahay guuleystaha iyo murashaxa 300 boqol qof ee buuxiyey shuruudaha.

Baaqyadda caalamiga ah ee ku aadan in khilaafka wadaxaajood lagu soo afjaro waxay sidoo kale ka imaanayaa dowladdo ay ugu dambeysay Jabuuti taasoo si lamid ah taageertay in la adkeeyo midnimadda wadanka Ethiopia.

Uganda iyo Kenya ayaa si lamid ah waxay soo jeediyeen in xabad-joojin ay sameeyaan labada dhinac. Xukuumadda Kampala waxay si toos ah u codsatay in ay u kala dabqaado darafyadda. Balse, ma cadda hadii laga aqbali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM