IGAD oo dooratay gudoomiye cusub kadib bilooyin isqabqabsi ah

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk, ayaa "leysku raacay" in uu noqdo gudoomiyaha cusub ee urur goboleedka IGAD, sidda ay Garowe Online xaqiijiyeen diblumaasiyiin.

Mr Xamduuk oo xafiiska ku yimid isbedelka ka curtay waddankiisa ayaa bedeli doona Abiy Axmed, wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Xilkaan oo loolan adag uu ka taagnaa ayaa wuxuu curyaamiyey shaqooyinka ururkaan. Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti oo isku haystay ayaa markii ay heshiis gaari waayeen laga dhex-bixiyey.

Suudaan iyo Uganda ayaa ahaa murashaxiinta ugu cad-cad ee hanan kara kursigan oo waajibaadkiisa uu yahay in uu maamulo dhamaan shaqooyinka uu qabanayo ururkan.

IGAD oo la aas-aasay 1996-dii ayaa waxaa ku midoobay wadamada bariga qaaradda hodanka ah ee Afrika sida; Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Itoobiya, Uganda, Suudaanta Koonfureed iyo Kenya.

Soomaaliya oo aas-aaseyaasha ururka ku jirta ayaa nan mar qura qaban xilkan, waxaana sanadkan ay u ahayd markii ugu dhaweyd wallow ay seegtay kadib baratan badan oo ay la kulantay.

Kenya iyo Itoobiya ayaa tobbankii sano ee lasoo dhaafay lahaa gacanta ugu badan, sababtuna waxay ahayd in ay bixiyaan dhaqaalaha badan, taas oo ay su'aal ka taagan tahay in ay sii jireyso.

Isbedelka dhacay oo Abiy uu horey u balanqaadey ayaa waxay kusoo aadeysaa kadib shir madaxeed ay hogaamiyeyaasha xubinta ka ah ururkan ku yeesheen Addis Ababa, xarunta dalka aan badda lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM