Gudoomiye gobol hore oo lagu xukumay in uu bixiyo $130 milyan

Image
James Ibori ayaa waxaa lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo lacag lunsasho.

ABUJA, Nigeria - James Ibori, oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Delta ee dalka Nigeria, ayaa garsoore UK ah uu ku amray in uu soo wareejiyo £100m ($130m) oo lagu eedeeyay in uu xaday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ibori ayaa maxkamad ku taalla magaalada London ee caasimadda Boqortooyadda Ingiriiska waxa ay ku heshay dambiyo la xiriira wax isdaba marin iyo lacago la dhaqay sanadkii 2012.

Sidda laga soo xigtey warbixinta Reuters, kadib markii uu ku dhameystay qeyb ka mid ah xukunkii lagu riday xabsi ku yaala Britain, waxa uu hadda dib ugu laabtay Nigeria.

"Garsooraha ayaa sheegay in Ibori ay ahayd inuu si degdeg ah u bixiyo lacagta ama uu mar kale wajihi doono xabsiga," Reuters ayaa tiri oo soo xiganaysa nuqul kamid ah xukunka.

Ibori ayaa mar sii horeysay u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamada taas oo ka dhignaan doonta in uu mar kale galayao dood iyo loolan dhanka sharciga ah oo natiijaddiisa aan la saadaalin karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM