Gudoomiyihii la xiray ee Nairobi oo isbitaal loola cararay

Image

NAIROBI, Kenya – Gudoomiyaha caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa isbitaal loola cararay habeenimadii Isniinta kadib xanuun lama filaan ah.

Illo wareedyo ku dhow Sonko ayaa u sheegay Garowe Online Online in gudoomiyaha uu lasoo darsey xanuun dhanka xabadka ah.

Saraakiisha xabsiga uu ku jiray ee Kamiti ayaa xaqiijiyey in la dhigay Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi, halkaas oo lagu daaweynayo.

Mike Sonko ayaa la xiray Jimcadii lasoo dhaafay kadib markii xeer-ilaalinta kusoo eedeysay in uu musuqmaasuqay 3 milyan oo Doollar.

Lacagtaas oo lagu arkay akoonkiisa ayaa waxaa la sheegay in aan la ogayn halka ay kasoo gashay, taas oo su'aallo badan dhalisay.

Isniintii ayuu kasoo muuqday maxkamad. Ciidamadda ayaa xiray waddooyinka si looga hortago banaanbax ay sameeyaan taageereyaashiisa.

Garsooreyaasha oo go’aamiyey in xabsiga lagu sii hayo waxay sheegeen in ay jiri doonan fadhiyo kale oo looga doodayo gal-dacwadeedkan.

Sonko oo horey u beeniyey in uu ku kacay wax is-dabamarin ayaa wuxuu wacad ku maray in uu la dagaalami doono "been abuurka siyaasadeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM