Gunta is-mari-waaga xukuumadda Abiy Axmed iyo maamulka Tigreeyga
ADDIS ABABA, Ethiopia – Aqalka Sare ee baarlamaanka waddanka Itoobiya ayaa Talaadadii wuxuu isku-raacay in dowladda federaalka ah ay cilaaqaadka u jarto hogaamiyeyaasha gobolka Tigreeyga kana hakiso miisaaniyada.
Qoraal ay faafisay warbaahinta dowladda kana soo baxay golaha waxaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda ay "arrimaha aas-aasiga ah" ka taageerto hay'addaha dowliga ah ee gobolka ku sugan.
Mas'uuliyiinta degaankan ayaa kula loolamay ra'iisul wasaaraha isbedelka sanadaha socday ku yimid ee Abiy Axmed in bishii hore uusan qaban doorashada, iyagoo ku sifeeyay dowladiisa "mid sharci darro ah".
"Golaha Isku-dhafka ah wuxuu go'aansaday in dowlada federaalka ay ka baaqsato nooc kasta oo xiriir ah ayna la yeelato baarlamaanka iyo golaha fulinta ismaamul goboleedka Tigreeyga," ayaa lagu yiri bayaanka.
Jabhada Xoreynta Tigreeyga [TPLF] ayaa ku sareysay siyaasada Itoobiya kahor inta uusan xukunka qabsan Abiy 2018-kii, walina waxay ka arimisaa gobolka, halkaasoo ay doorasho u gaar ah ka qabteen dhowaan.
"Dowladda federaalka waa in ay sii wadaa la shaqeynta hay'addaha dowliga ah ee Tigreeyga si ay u siiso adeegyada aas-aasiga ah ee gobolka," ayaa la raaciyey, taasoo ka dhigan in jarida xiriirku ahayn mid buuxa.
Ololaha hubeysan oo TPLF ayaa 1991-dii wuxuu meesha ka saarey taliskii Derg, waxaana ay la wareegeen Isbaheysigii talada hayey.
Balse tan iyo markii Abiy yimid xafiiska, Tigreeyga ayaa ka cabanaya in madaxdooda si cadaalo darro ah loogu beegsanayo maxkamadeyn musuqmaasuq, laga qaadey xilal sare iyo in la dhimayo saameyntooda.
Ethiopia ayaa qorshuhu ahaa in doorashada guud loo dareero August, balse guddiga doorashooyinka wuxuu bishii Maaj baajiyey coddeynta sabab la xiriirta aafada dunida heegan buuxa gelisay ee Coronavirus.
Tigreeyga ayaa qabsaday doorasho u gaar ah 9-kii September, iyagoo hantiyey 189 kamid ah 190-ka kursi ee baarlamaanka degaanka.
Xilli uu doorashada Tigreeyga ku qeexay "mid si xun loo abaabulay", Abiy ayaa lasoo wariyey in uu ogolaadey talaabooyin lagu macneeyay aargoosi ayna kamid yihiin faragelin milatari ama in dhaqaalaha laga joojiyo.
Hogaamiyeyaasha Tigreeyga ayaa diidey muddo kororsi siyaasadeed – taasoo kahor inta uusan dilaacin Coronavirus dhici lahayd todobaadkan – kana dhigan in Abiy uusan shirciyad u sii haysan in uu leeliyo waddanka.
Wakiiiladooda ku metela dowladda federaalka ah ayay wacad mareen in ay la bixi doonan hadii dowladda ra'iisul wasaare Abiy Axmed Cali ay "talaabo aan la habooneyn" ka fuliso gudaha ismaamul goboleedkooda Tigreeyga.
GAROWE ONLINE