Guri lagu sameeyo Iphone been abuur ah oo la weeraray

Image
Laba qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen fal-dambiyeedkan ayaa la sheegay in ay soo xireen ciidamada.

MAPUTO, Mozambique - Laamaha ammaanka Mozambique ayaa gacanta ku dhigay 1,165 taleefoon oo Apple ah oo been abuur ah, waxaana la xiray labo nin oo Shiinees ah, kadib markii la weeraray guri ku yaala magaalada Maputo ee caasimada dalkaasi, halkaasi oo lagu aruurinayay taleefanada.

Booliiska ayaa sheegay in dadkan looga shakisan yahay inay si been abuur ah u sameynayeen telefoonka iyaga oo adeegsanaya farsamo adag soona xadey aragtida shirkada Apple.

Eedeysanayaasha ayaa diiday inay wax dambi ah galeen. Saraakiisha Kastamka ayaa sheegay in ay soo qabteen tuhmanayaasha kadib markii ay heleen xogtooda.

“Waxaa na soo gaaray cabasho shaki dhalisay. Markaa waxaanu hawlgelinay khadadkayaga sharciga ah si aanu u ogaano xaqiiqada, saddex toddobaad oo baadhitaan ah ka dib waxaanu ogaanay warshadan,” ayuu yidhi Gino Jone, maamulaha aagga hawlgalinta kastamka Mozambique ee Magaalada Maputo.

Waxa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah taleefoonada la qabtay looga shakisan yahay in si qarsoodi ah dalka loo soo geliyay, halka kuwo kalena lagu helay qaab tuuganimo ah.

"Waa guri dabaq ah, laakiin waxay u shaqeysaa sida warshad. Taleefannada gacanta ayaa lagu sameeyay halkan, IMEIs [lambarada taxanaha gaarka ah] waxaa la dhigayaa oo lagu iibiyaa bakhaar ku yaal agagaarka Alto-Maè," ayuu yidhi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM