Guusha Xasan Sheekh oo dilaysa damacii Afwerki ee Geeska Afrika

Image
Natiijadda doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya ayaa riixi karta dabayl cusub oo isbadal kana dhaca Bariga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Kusoo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa durba xamaasad ka dhalisay dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika ayna noqon karto bilowga is-beddelo cusub oo ka dhici kara gobolkan la daalaa-dhacayay xasillooni darro.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka kooxda TPLF iyo garabkeeda militariga ee Tigray Defence Forces [TDF], ayaa saadaaliyay in hamiga madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu ku doonayo inuu ku xukumo Geeska Afrika uu burburay ka dib guushii Xasan Sheekh ee Soomaaliya.

"Haddii waxa ka dhacay doorashada Soomaaliya ay tahay tusaale, hamiga fircooniga ah ee Isaias Afwerki ku doonayay in uu ku xukumo Geeska Afrika waa baaba'ay," ayuu yiri. "Aan aragno waxa berri u diyaar ah,” ayuu ku daray wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya.

Muddo bilo ah, gobolka Tigray waxaa go'doomisay Addis Ababa, oo taageero weyn ka heli jiray Asmara iyo Muqdisho. Afwerki ayaa ciidamo ka tirsan Eritrea u diray gobolka Tigray halkaas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xasuuq, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadu ay weli halkaas ku sugan yihiin.

Sidoo kale waxaa ku jira ciidamo Soomaali ah oo uu Farmaajo tababar ugu soo diray dalka Eritrea. Warbixin ay soo aruurisay Qaramada Midoobay ayaa la xiriirisay ciidamada Soomaalida xasuuqii ka dhacay Waqooyiga Tigray, halkaasoo la rumeysan yahay in kumannaan rayid ah oo aan waxba galabsan lagu gowracay magaalada Axum.

In kasta oo Soomaaliya ay beenisay sheegashadaas, si kastaba ha ahaatee, waxay qiratay in in ka badan 5000 oo askari ay weli tababar ku qaadanayaan Eritrea, tallaabadaas oo qarsoodi ah oo ay si weyn u dhaleeceeyeen mucaaradka, oo uu markaas hoggaaminayay Sheekh Maxamuud, oo Axaddii la doortay.

Madaxweynaha Eritrea ayaa heshiis saddex geesood ah la sameeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, taasoo sii murjineysa hoggaamiyeyaasha sare ee mucaaradka Geeska Afrika. Joogitaanka ciidamada Eritrea ee Tigray ayaa xitaa dhaleeceeyay adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM