"Haweeneyda ugu da'da weyn Afrika" oo umushay labo mataano ah

Image
Namukwaya oo u dhalatay dalka Uganda ayaa la sheegay in ay kala tageen ninkeeda sanadkii 1992.

KAMPALA, Uganda - Haweeney 70 jir ah oo u dhalatay waddanka Uganda ayaa noqotay haweeneyda ugu da’da weyn qaarada Afrika ee dhashay labo mataano ah oo labaduba caafimaad qabaan.

Safina Namukwaya oo mataanaheeda uu midkiiba yahay labo kiilo garaam ayaa waxa ay ku umushay isbitaal ku yaala caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Namukwaya waxay dhashay wiil iyo gabar Arbacadii, sidda uu ku dhawaaqay In Vitro Fertilisation (IVF) oo ah Isbitaalka Haweenka ee Caalamiga ah iyo Xarunta Bacriminta ee Kampala.

"Annaga oo u dabaaldegnay sannad-guuradayada 20-aad, waxaan gaarnay wax-qabad aan caadi ahayn - in aan mataano ka dhalnay hooyadda ugu da'da weyn Afrika oo 70 jir ah," ayuu yiri isbitaalka.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay isbitaalka ayaa intaas ku daray: "Sheekadan kuma koobna oo kaliya guusha caafimaadka; waxay ku saabsan tahay xoogga iyo adkeysiga ruuxa aadanaha".

Namukwaya ayaa la sheegay in ay kala tageen ninkeeda sanadkii 1992 ka hor inta aysan xiriir kale la sameyn afar sano ka dib. Waxaa la sheegay in ay dhicisowday xilligii guurkeedii ugu horreeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM