"Haweeneyda ugu da'da weyn Afrika" oo umushay labo mataano ah

Image
Namukwaya oo u dhalatay dalka Uganda ayaa la sheegay in ay kala tageen ninkeeda sanadkii 1992.

KAMPALA, Uganda - Haweeney 70 jir ah oo u dhalatay waddanka Uganda ayaa noqotay haweeneyda ugu da’da weyn qaarada Afrika ee dhashay labo mataano ah oo labaduba caafimaad qabaan.

Safina Namukwaya oo mataanaheeda uu midkiiba yahay labo kiilo garaam ayaa waxa ay ku umushay isbitaal ku yaala caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Namukwaya waxay dhashay wiil iyo gabar Arbacadii, sidda uu ku dhawaaqay In Vitro Fertilisation (IVF) oo ah Isbitaalka Haweenka ee Caalamiga ah iyo Xarunta Bacriminta ee Kampala.

"Annaga oo u dabaaldegnay sannad-guuradayada 20-aad, waxaan gaarnay wax-qabad aan caadi ahayn - in aan mataano ka dhalnay hooyadda ugu da'da weyn Afrika oo 70 jir ah," ayuu yiri isbitaalka.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay isbitaalka ayaa intaas ku daray: "Sheekadan kuma koobna oo kaliya guusha caafimaadka; waxay ku saabsan tahay xoogga iyo adkeysiga ruuxa aadanaha".

Namukwaya ayaa la sheegay in ay kala tageen ninkeeda sanadkii 1992 ka hor inta aysan xiriir kale la sameyn afar sano ka dib. Waxaa la sheegay in ay dhicisowday xilligii guurkeedii ugu horreeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM