Hay’adda Bisha Cas Turkiga oo gargaar ku wareejisay SODMA

Image
Gargaarkan ayaa waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa markii labaad waxa ay shixnad gargaar mucaawino ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga, kaas oo ka kooban qaybaha kala duwan raashin ka.

Gargaarkan ayaa waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha kuwaas oo ku nool gobolada Wadankeena hataana wajahaya xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Deedqaan waxaa guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ku wareejiyey Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda bisha Cas Turkiga  ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadnaqay shacabka,hay’adda bisha Cas ee dalka Turkiga. Isaga oo xusay in mar walba ay sida joogtada ah u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomay Daadadka Elniino iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda bisha Cas Turkiga  ee Soomaaliya ayaa kawarbixiyey gargaarkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM