Hogaamiyaha ONLF oo ku laabtey Itoobiya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Itoobiya - Wafdi balaaran oo ka socda hogaanka ONLF ayaa dib ugu laabtay wadanka Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa, halkaasi oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyay.

Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee dowlad degaanka, Axmed Shide, ahna Wasiirka Maaliyadda Federaalka iyo Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa soo dhaweeyay wafdiga ONLF oo uu horkacayo Maxamed Cumar.

Wafdi ONLF ayaa kasoo duulay wadanka Eritrea, halkaasi oo xarun u ahayd ONLF tan iyo markii ay kacdoonka ka bilowday dhulka Soomaali Galbeed, xili ay halgan ku jirtay tan iyo sanadkii 1991-dii.

Kulamo kala duwan ayaa la filayaa inay qaataan dhinacyadda oo ay ku wehliyaan madax ka socota Federaalka kahor inta aanan uduulin xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga.

Imaanshiyaha hogaanka ugu sareeya ee ONLF ayaa kusoo aadaysa xili bishii hore ay degaanka dib ugu laabtaan boqolaal kamid ah ciidamada Jabhadda, kuwaasi oo xero ku taala duleedka Jigjiga lagu xareeyay.

Talaabooyinkaan oo idil waxay qayb ka yihiin isbedal balaaran oo Itoobiya ka dhacaya tan iyo markii uu xafiiska ku yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed bishii April ee sanadkaan dibad-baxyo xooggan muddo ka socday wadankaan aan Badda lahayn.

ONLF iyo dowlada Itoobiya ayaa bishii Agoosto ee sanadkaan kala saxiixday heshiis nabad ah, xili arrimahaan sida is-dabajoog ah u dhacaya ay qayb ka yihiin fulinta qodobadii ku jiray heshiiskaasi taariikhda baal dahab ka galaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM