Hogaamiyaha hindisay isbaheysiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweyne Isaias Afwerki, waa maskaxda ka dambeysa isbaheysiga cusub ee wadamadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidda lagu shaaciyey maqaal lagu daabacay ISS Today.

Qormada oo dhinacyo kala duwan lagu eegay isla markaana lagu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha ayaa ciwaan looga dhigay "Isbaheysi cusub ma wax uu Geeska [Afrika] u baahan yahay baa"?

Sidda ku xusan faalada, Afwerki, hogaamiyaha Eritrea, ayaa doonaya in isbaheysiga cusub uu dalkiisa kaga saaro "go'doonka laga geliyey saameynta qarankiisa ku yeelan karo gobolka".

Bogga ISS Today ayaa xeeldheereyaal kasoo xigtay in isbaheysiga cusub uu ka jawaabi karo fashilka hareeyay urur goboleedka IGAD.

Iyaddoo is-afgarad ahaan ay hogaamiyeyaasha ugu heshiiyeen hirgelinta isbaheysiga cusub, caqabadaha ku geedaaman waxaa ugu horeeya muran xuduudeed iyo xiisado dalalka u dhaxeeya.

Jabuuti iyo Eritrea waxaa ka dhaxeeya sohdin muraneed, halka Soomaaliya iyo Kenya ay dhextaalo dacwad ka dhanka bada ah, gaar ahaan goob hodan ku ah shidaal oo ku taala xadka labada dal.

Intaas waxaa wehlisa in ay u baahan yihiin wadamo horleh oo dhaca Geeska si uu u noqdo mid shaqo wax ku ool ah qabta isla markaana uu u helo ugu yaraan awooda ay dunida kula hadli karaan.

Su'aalaha aysan wali madaxdu u helin jawaab rasmi ah ee ku xeeran isbaheysiga cusub waxaa kamid ah hadii uu lamid noqon doono urur goboleedka IGAD ama in uu ka madax banaanaan doono.

War-murtiyeedyo laga soo saarey kulamo ay hogaamiyeyaashu yeesheen waxay ku sheegeen in ay iska kaashan doonan amniga, dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo wadaaga ganacsiga.

Sikastaba, dhaqdhaqaaqan ayaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay loolanka juquraafi-siyaasadeed ee ka curtay gobolka, kaasoo awoodaha caalamka ay ku baratamayaan goobaha ugu muhiimsan dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM