Hogaamiyeyaasha bariga Afrika oo dib u eegaya dalab ka yimid Soomaaliya

Image

ARUSHA, Tanzania – Hogaamiyeyaasha dalalka ururka "Bulshada Bariga Afrika" ayaa ku kulmaya magaaladda Arusha ee Tanzania inta u dhaxeysa 20-ka illaa iyo 21-ka November.

Ajendaha shirka oo dhinacyo kala duwan quseeya ayaa waxaa kamid ah dib u eegista codsi ay Soomaaliya ugu biireyso ururkaas.

Dalabka xukuumadda Muqdisho oo la gudbiyey 2018-kii soona maray heerar kala duwan ayaa maraya mar-xaladii go’aan qaadashada.

Soomaaliya ayaa haatan xubin ka ah ururo dhowr ah kuwaas oo isugu jira heer caalami ah, qaarad iyo kuwa gobolka ka aas-aasan.

Lama ogga ujeedada ay madaxda talada haysa ka leeyihiin codsigooda ku biiritaanka iyo faa'iidada waddanka ugu jirta.

Ururka Bulshadda Bariga Afrika oo la aas-aasay 2000, 9-sano kahor, ayaa waxaa xubin ka ah; Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo United Republic of Tanzania.

Ujeedada ugu weyn ee dhidhibada loogu taagey ayaa sidda ku xusan Axdiga waxaa kamid ah; horumarinta iyo iskaasgiga ganacsiga.

Qabsoomida shirkii 20aad ayaa kusoo aadaya xili ay madaxa isugula jiraan Rwanda, Burundi, Uganda iyo Kenya, oo muran dhanka baayac-mushtarka ah uu ka dhex-aloolsan yahay.

Kulankan ayaa sidoo kale la rajeynayaa in dib u eegis loogu sameeyo codsi ka yimid DR Congo oo ku saabsan xubin ka noqosho.

Ajendaha ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in lagu soo dari doono dalabka Kenya ee kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

Soomaaliya ayaa horey u taagtay Jabuuti oo xukuumadda Nairobi kula baratameyso kursigaas oo doorashadiisa ay qabsoomi doonto bisha June ee sanadka soo aadan 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM