Hogaamiyeyaasha Tigray iyo Amxaarada oo is-faham cusub gaarey

Image
Madaxda labada mas'uul ayaa wadahadalo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Bahir Dar.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaamiyayaasha gobolada Axmaarada iyo Tigreega ee waddanka Itoobiya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhaxeeya.

Barasaabka gobolka Axmaarada Yilkal Kefale iyo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa ballan qaaday mar ay wada hadal ku yeesheen magaalada Bahir Dar ee xarunta Axmaarada.

Mr Getachew ayaa hogaaminaya wafti Tigray ah oo Axadii shalay ahayd tagay gobolka Axmaarada halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay aadna loogu baahiyey internet-ka.

Waa markii ugu horreysay oo wafdigan uu ka dago ismaamulkan tan iyo markii uu dagaal sokeeye oo dad badan ku dhinteen uu ka qarxay waqooyiga Itoobiya bishii November 2020.

Dagaalka ayaa wuxuu ku dhammaaday heshiis nabadeed bishii November ee la soo dhaafay kaasoo ay garwadeen ka ahaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Labada hogaamiye ayaa xusay in ay ka shaqayn doonaan sidii dib loogu furi lahaa isu socodka gaadiidka Tigray iyo Axmaarada, kaas oo bixiya wadada ugu gaaban ee isku xidha Tigray iyo Addis Ababa.

Waqtigan xaadirka ah, isu socodka waddooyinka Addis Ababa iyo Tigray wuxuu ugu horrayn maraa gobolka waqooyi-bari ee Canfarta, kaas oo dheer oo kharash badan.

Si kastaba ha ahaatee, labada masuul ayaan ka hadlin arrinta qodaxaha leh ee ku saabsan muranka dhuleed ee u dhexeeya labadooda gobol taasoo kamid ah arrimaha taaga isku-dhaca hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

  • Afrika

    12-08-2025

  • 07:53AM

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM