Hooyo iyo caruurteeda oo xabsi loogu taxaabay dilka aabaha qoyska

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska ismaamulka Meru ee Kenya ayaa haweenay 40-jir ah u xiray tuhun la xiriira dilka iyo aasida seygeeda. Wiil iyo gabar ay dhashay waxaa sidoo kale looga shakisan yahay in ay falkaan ka qeyb-qaateen.

Meydka Julius Kalawa Mikiigu oo 54-jir ah ayaa waxaa suuli kasoo saarey booliska bil kadib markii lagu waayey tuuladda Manthi.

Ciidamadda ayaa soo xiray Margaret Karimi oo ay wehliyaan wiilkeeda 19-jirka ah Andrew Mutuma iyo gabadheeda 15-jirta ah Esther Kawira. Saddexdooda waxaa la tuhunsan yahay in ay ku lug-leeyihiin dhacdadan.

Saraakiisha ammaanka ayaa soo wariyey in aabaha qoyska la waayay 27-kii August ayna tan iyo waqtigaas wadeen baaritaano kala duwan.

Wargeyska Daily Nation ayaa wariyey in is-qabqabsi dhul oo muddo soo jiitamayey uu la xiriiro dilka si gaar mid ah isku haystaan 12 caruur ah. Dadka degaanka waxay ka gaabsadaan in ay fahfaahin bixiyan.

Sidda ay xusayaan warbixinadda, is-qabqabsigaas dhuleed wuxuu si gaar ah u daaran yahay dhismaha guri midkood uu rabo in uu dhiso.

La tuhunsaneyaashan ayaa hadii lagu helo dambiga waxay ku muteysan karaan ugu yaraan sanado badan oo xabsi ah. Muranada dhulka iyo kiisaska dadka loo khaarjinayo waa mid kusoo badanaya gudaha waddanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM