Hub ka dhigis lagu sameynayo Jabhada ONLF
JIGJIGA - Wasiir ku xigeenka xafiiska maamulka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdirisaaq Sayid, ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan ay Arbacadii yeesheen mas'uuliyiin ka kala socda DDSI iyo ONLF.
Xubnahaan ayaa ka tirsan Guddi isku-dhaf ah oo ay labada dhinac u saareen dhaqan-gelinta qodobadii ay ku heshiiyeen dowlada Federaalka Itoobiya iyo Jabhada, bishii Agoosto ee sanadkii 2018.
Sida uu warbaahinta u sheegay Mr Sayid, qodobada laysla soo qaaday waxaa kamid ah sidii loo fulin lahaa qodobkii xeerinayay in Hub ka dhigis lagu sameeyo dhamaan ciidamada Jabhada xorreynta Ogaadeeniya.
Xoogaga Ururka ONLF oo magaalada caasimada ah ee Jigjiga ka degay bishii November, kuwaasi oo gaarayay Boqolaal ayaa haatan ku jira xero ciidan oo ku taala duleedka magaala madaxda Soomaali Galbeed.
Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in talaabada Hub ka dhigista kadib ay xigi doonto in laga shaqeeyo sidii loogu biirin lahaa ciidamada degaanka, kahor marka tababar cusub la siiyo.
"Guddiyadii ka shaqayn lahaa - Khamiista ama Jimcada - ayay tegi doonaa xerada, si ay howlaha horyaala usii guda galaan," ayuu raaciyay, isaga oo kalsooni dheeraad ah ka muujiyay inay si dhaqsiyo ah ugu soo idlaato.
ONLF oo tan iyo 1991-dii udagaalameysa sidii shacabka Soomaaliyeed ee hoostaga xukuumada Addis Ababa uheli lahaayeen xorriyad ay isku maamulaan ayaa haatan umuuqata mid uu isbedalay mowqifkeeda.
aBishii Agoosto ee 2018-kii ayay Jabhada si lamid ah ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah, taasi oo loo arkayay inay xudub-dhaxaad u ahaa wadaxaajooyada miradhalka noqday oo ay la gashay xukuumada Abiy Axmed.
Jabhada ayaa dhowaan ic-laamisay xisbi siyaasadeed, kaasi oo ay xustay inay kaga qaybgaleyso doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay sanadka dambe ka qabsoonto DDSI, taasi oo isha si wayn loogu hayo.
GAROWE ONLINE