IGAD oo markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka Suudaan

Image
Tan iyo markii ay Khartoum hakisay xubinnimadii, IGAD ayaa wax war ka soo saarin dagaalka.

Khartoum (GO) - Urur Goboleedka IGAD ayaa xaqiijiyay inay si buuxda uga go’an tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabadda Suudaan laguna joojiyo dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga Taageerada degdegga ah, tan iyo bartamihii Abriil 2023.

IGAD ayaa warmurtiyeed ku sheegtaay inay ka go'an tahay inay isticmaasho wax kasta oo awood ah si ay u joojiso dagaalka Suudaan, bilawdo hannaan siyaasadeed oo ay kala kaashanayso Midowga Afrika, Inkasta oo dawladda Suudaan ay joojisay xubinnimadeeda ururkaasi.

Xoghayaha Fulinta ee Ururka, Workni Qebeho, ayaa yiri: "Waxaan yeelannay wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta geeddi-socodka nabadda ee Suudaan, waxaana xoogga saarnay iskaashiga muhiimka ah ee IGAD iyo Midowga Afrika.”

Waa bayaankii ugu horreeyay ee ay IGAD ka soo saarto dhibaatada Suudaan tan iyo markii Khartoum gabi ahaanba joojisay xubinnimadii ururkaas 20-kii Janaayo, oo ay ku dhawaaqday in aysan ku xirnayn waxa ay soo saarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM