Imisa Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka Hotel-ka Dusit ee Nairobi
NAIROBI, Kenya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarka culus ee Al-Shabaab ku qaadey galabta dhismo muhiim ah oo ku yaalla xaafadda Westlands ee galbeedka magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.
Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa xigay rasaas xooggan, iyadoo dabley hubeysan oo lagu qiyaasay illaa 6 ayaa gudaha u galay xarunta oo ka kooban dhismooyin ay hay'addo ay degan yihiin iyo Hotel-ka DusitD2.
Dadka ku dhintay weerarkan oo la sheegay inay gaarayaan illaa 14 ayaa waxaa ku jira labo qof oo Soomaali ah.
Feysal Rashid Xaaji iyo Cabdalla Sheekh Maxamed Daahir, oo kasoo jeeda degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa lagu dilay weerarka.
Dadkan ayaa intooda badan lagu dhex dilay Hotel-ka. In ka badan 30 kale ayaa ku dhaawacmay weerarka kuwaasoo la dhigay Isbitaallada Nairobi.
Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Nairobi kaasoo ay kusoo beegtay sanad-guuraddii 3aad ee kasoo wareegatay weerarkii Ceel-Cadde oo lagu dilay in ka badan 100 Askari oo Kenyan ah.
Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay sifeeyaan inta badan dhismaha Hotel-ka DusitD2, oo ka kooban 101 qol, makhaayad iyo xafiisyo ay degan yihiin hay'addo maxali ah iyo kuwa caalami ah.
GAROWE ONLINE