In ka badan 100 rayid ah oo lagu dilay bartamaha dalka Mali

Image
Maali iyo gobolka Sahel ee bartamaha dalkaasi ayaa muddo bilo ah wajahayey xasuuqyo dad rayid ah oo lagu eedeeyo kooxaha hubeysan.

BOMAKO, Mali – In ka badan 100 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo ka dhacay bartamaha dalka Maali, sida ay dowladdu sheegtay.

Xubno ka tirsan kooxda hubaysan ee Katiba Macina ayaa weerar ku qaaday ugu yaraan saddex tuulo oo ka tirsan deegaanka baadiyaha ah ee Bankass, oo ku taal badhtamaha gobolka Mopti ee dalka Maali, habeennimadii la soo dhaafay sida ay dawladda bayaan ku sheegtay Isniintii.

Ugu yaraan 132 qof oo rayid ah ayaa la dilay, waxaana la aqoonsaday qaar ka mid ah dadkii falkan geystay, sida ay shaacisay dowladu. Dowladda Maali ayaa sheegtay in dadka rayidka ah "si aan kala sooc lahay ay u dileen dagaalyahannada Macina Katiba ee Amadou Kouffa", oo ah urur xiriir la leh al-Qaacida.

Dilka ayaa ka dhacay Dillassagou iyo 2 tuulo oo u dhow, Diaweli iyo Dessagou, oo ku yaalla bartamaha dalka Mali, kuwaas oo muddo dheer ay ka jireen falal amni darro.

"Baarayaasha ayaa jooga goobta si ay u ogaadaan waxa dhabta ah ee dhacay," Moulaye Guindo, duqa Bankass ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press.

Maali iyo gobolka Sahel ee bartamaha dalkaasi ayaa muddo bilo ah wajahayey xasuuqyo dad rayid ah oo lagu eedeeyo kooxaha hubeysan.

Dalka ayaa tan iyo sanadkii 2012 waxaa ka dhacayay falal amni darro ah iyadoo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacidda iyo Daacish (ISIS) ay weerarro ku qaadeen dad rayid ah, taasoo dalka gelisay qalalaase.

Rabshadaha ka bilowday waqooyiga ayaa tan iyo markaas ku fiday bartamaha iyo dalalka deriska la ah Burkina Faso iyo Niger. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarrada ka dhacay bartamaha Mali.

Muddo dhowr toddobaad ah ayaa fallaagada bartamaha Mali waxa ay go’doomiyeen waddada isku xirta waqooyiga magaalada Gao iyo Mopti ee bartamaha Mali.

Weeraradan ayaa waxaa lagu eedeeyaa fallaagada hubeysan iyo sidoo kale ciidamada Mali, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qeybta xuquuqul insaanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali oo loo yaqaan MINUSMA.

Howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali ayaa bilowday sanadkii 2013-kii, kadib markii Faransiiska uu hogaaminayay faragelin militari oo lagu doonayay in laga saaro fallaagada sanad ka hor la wareegay magaalooyinka iyo magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga Mali.

Hawlgalka ayaa hadda waxaa Mali ka jooga ilaa 12,000 oo askari iyo 2,000 oo kale oo booliis ah iyo saraakiil kale. In ka badan 270 nabad ilaaliyayaal ah ayaa ku dhintay Mali, taasoo ka dhigaysa howlgalka nabad ilaalinta ugu dhimashada badan ee Qaramada Midoobay, sida ay saraakiishu sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM