Isaias Afwerki: Covid-19 waa dagaal kedis ah oo aan loo diyaar-garoobin

Image

ASMARA, Eritrea – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa markii ugu horeysay shacabka wadankaas kala hadlay Coronavirus tan iyo markii xaaladihii ugu horeeyay la diiwaan-geliyey 21-kii bishii Maaj.

Fariinta hogaamiyaha waxaa laga sii daayey Eri-TV iyo idaacadda Dimtsi Hafash, kuwaas oo si toos ah u hoostaga xukuumadda Asmara.

Cudurka Covid-19 ayuu ku tilmaamay "dagaal kedis ah kaas oo dunida ugu yaraan ay fileysay balse aan si buuxda loogu tabaabusheysan".

Muwaadiniinta dalkaas ayuu ku booriyey in ay raacaan talooyinka caafimaad si nafsadooda aysan halis ugu gelin caabuqa dilaaga ah.

Talaabooyin ayuu ka dhawaajiyey in dowladiisa ay qaadi doonto gaar ahaan mashaariicyo lagula dagaalamayo faafitaanka xanuunkaas.

Dadweynaha ayuu kaga mahadceliyey in ay qaadeen talaabooyin ay kaga hortagayaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara safmareenka mustaqbalka dhow iyo midka fog.

Kiisaska fayruskaan ee gudaha Eritrea ayaa gaaraya 35, illaa iyo haatan. Dhamaantooda waxay ku jiraan karantiil. Badankoodu waa muwaadiniin.

Guddiga ka hortagga caabuqa ayaa soo rogay go'doomin todobaadyo ah, iyaddoo Wasaaradda Caafimaadka ay ku boorisay rayidka in ay joogaan guriyahooda si looga baaqsado in ay xaaladda faraha ka baxdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM