Isbaheysi cusub oo looga dhawaaqay Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

Image

JIGJIGA - Kadib kulan ka dhacay Magaaladda London ee xarunta dalka Ingiriiska waxaa laga dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed oo cusub, kaasoo ka howlgeli doona dhulka Soomaali Galbeed ee haatan ku hoos jira dowladda Federaalka Itoobiya.

Isbaheysigaan ayaa waxaa ku midoobay Jabhadda xorraynta Ogaadeen ee ONLF, taasoo Tobanaan sano dagaalo kula jirta xukuumada Addis Ababa iyo Isbahaysiga Dimuqraadiga ee gobolka Soomaaliya, kaasoo magaciisa loosoo gaabiyo SRDA.

SRDA iyo ONLF ayaa waxay ubixiyeen Isbaheysigooda cusub Isbaheysiga xorraynta Soomaalida, kaasoo loosoo gaabin doono SCF, inkasta oo aanan wali lagu dhawaaqin hogaanka SCF.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Isbaheysiga xorraynta Soomaalida ee SCF, ujeedka loo aas-aasay waxaa lagu sheegay inay madax banaani ay helaan Soomaalida ku nool dalka Itoobiya.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili isbedalo waa wayn lagu sameeyay hogaana dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo xaalad kac-sanaan ay ka jirtay horaantii bishaan, xili ONLF ay dhowaan ku dhawaaqday Xabad-joojin hal dhinac ah.

Gudoomiyaha cusub ee Xisbiyadda taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed Shide oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xubno laga saarey Xisbiga, kuwaasoo Xilldhibaano ah.

Shide ma uusan shaacin magacyadda xubnaha laga saarey Xisbiga, laakiin waxay imaaneysaa shaacintiisa maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu is-casilay Afhayeenka Baarlamaanka dowlad degaanka iyo xubin ka tirsan Gollaha Dhexe ee DDSI.

Shirwayne ay kasoo qayb-geli doonan Shacabka Soomaalida Itoobiya, iyo waliba dhinacyadda ku lugta leh siyaasadda DDSI ayuu Gudoomiye Axmed Shide ka dhawaajiyay inay qaban doonan kulanka, kaasoo dhacaya bilooyinka soo socda, kaasoo xaalada degaanka diirada lagu saari doono.

Ku dhawaaqista Isbaheysiga SCF ayaa wuxuu kusoo beegmaysa xili dhowaan Magaalada Addis Ababa ee xarunta dowladda Itoobiya ay gaareen xubno sarre oo ka tirsan Jabhada ONLF, kuwaasoo la sheegayo inay kulamo la qaateen masuuliyiin Federaalka ka socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM