Isbedel lagu sameynayo hanaanka dowladnimada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu dib-u-habeyn iyo wax ka beddel ku sameeyo hanaanka go'aan-qaadashada ee madaxda dalkaasi.

Qorshahan ayaa laga leeyahay ujeedooyin fog, oo ah in Itoobiya noqoto dalka dimuqraadi ah kahor doorashooyinka sannadka soo socda, ayuu yiri xisbiga Ra'iisul wasaaraha Abiy Ahmed.

Xisbiga Dimuqraadiga ah ee “Oromo Democratic Party” ODP, oo ay weheliyaan saddex xisbi oo kale ayaa shaaciyay qorshaha Jimcihii shalay, waxaana ay noqonaysaa tallaabadan mid ugub ah.

Xisbiga EPRDF, ayaa la filayaa inuu beddelo fikradihiisa “dimuqraadiyadda kacaanka ku salaysan” taas oo mudo dheer wadanka lagu soo maamulayay, aadna ay dhaliileen dad badan.

Qaabka go'aan qaadashada hadda ka jira Itoobiya ayaa u oggolaanaya koox yar in ay go'aanno ka gaarto masiirka dalka Itoobiya oo ku dhisan nidaamka Federaalka, oo gobol kasta qaatey.

Tallaabadan ayaa timid xilli EPRDF isku diyaarinayo doorashooyinka la qorsheeyay sannadka soo socda, iyadoo dib-u-habeyn uu Abiy Axmed ku sameeyay hanaan siyaasadeedka dalka Itoobiya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize oo uu ku muteystay Heshiiskii nabada Ereteriya iyo isbedelada gudaha dalkiisa.

Dabeylaha isbedela doonka ee ka socda Itoobiya, oo uu hormuud ka yahay Abiy Axmed, ayaa saameeyay guud ahaan gobolka Geeska Africa, oo Soomaaliya ay kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM