Iska-hor-imaad culus oo mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya

Image
Dagaalkan ayaa xadgudub wuxuu ku yahay xabad-joojin iyo rajo laga qabay wadahadal nabadeed.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ayaa dib ugu laabtay Itoobiya, 12 maalmood ka dib markii ay dib u bilowdeen dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo fallaagada Tigrayga, kaas oo jebiyey xabbad joojin bilo ah.

Iska horimaadyadan soo cusboonaaday ayaa meesha ka saaray rajadii laga qabay wadahadallada nabadeed, waxayna halis ku yihiin inay fido colaadda, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay dib u soo galeen dagaalka, isla markaana dagaal uu ka socdo meel ku dhow xadka Suudaan.

Hammer wuxuu tagay Itoobiya Axadii. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Hammer uu qorsheynayo inuu la kulmo siyaasiyiinta iyo kooxaha bulshada rayidka ah, "si uu ugala hadlo sida ugu wanaagsan ee kor loogu qaadi karo dadaalka loogu jiro nabad waarta, ammaan, iyo barwaaqo ay helaan dhammaan dadka Itoobiya."

Hammer ayaa markii ugu dambeysay booqdey Itoobiya, wuxuuna la kulmay mas'uuliyiin bishii Luulyo, xilligaasi oo ay socotay xabbad joojin, taasoo ay dowladda Mareykanku sheegtay inay dhiirri-gelin ka heshay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa u sheegay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen in dalka ay weli ka go’an tahay dhexdhexaadinta Midowga Afrika ee wadahadal kasta oo nabadeed.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay kadib markii 24-kii bishan ay dib u bilowdeen dagaaladii ku dhawaad ​​2-sano ee u dhaxeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadaha ka soo horjeeda ee TPLF, kaas oo soo afjaray xabad joojintii jirtey shanta bilood.

Maraykanka ayaa cambaareeyay in dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea uu dib ugu soo laabto colaada, duulaanka ay kooxda TPLF ku qaadayso, iyo duqaymo dhanka cirka ah oo ay qaaday dawlada Itoobiya, kuwaas oo lagu garaacay goobo ay dad rayid ah degan yihiin oo ay kamid tahay xanaano.

Kahor inta uusan dagaalku dib u bilaaban wadahadalada nabada ayaa u muuqday mid suurta gal ah, iyadoo kooxda TPLF ay door biday dhex dhexaadinta dowlada Maraykanka iyo Kenya, halka dowlada Ethiopia ay ka eegaysay Midowga Afrika in wadahadal lagu dhameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM