Ciidamadda Itoobiya iyo Suudaan oo dagaalamay

Image

KHARTUUM, Sudan – Taliyaha ciidamada Suudaan ayaa Khamiistii tegay gobolka xadka la wadaago Itoobiya ee ay colaaduhu ragaadiyeen, sidda laga soo xigtay illo ka tirsan dowladda. Safarka wuxuu yimid maalin kadib markii Khaahira sheegtey in askarteeda ay soo weerareen dhigooda Addis Ababa.

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, madaxa ciidamada qalabka sidda iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha, oo ah hay'adda ugu sarreysa fulinta ee Suudaan, "ayaa kugaaray Gedaref booqasho amni", ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka laguma bixin faahfaahin dheeraad ah.

Arbacadii, ciidanku waxay soo saareen qoraal ay ku sheegeen in cutub ka tirsan ciidamada qalabka sidda ee Suudaan ay la kulmeen "weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamada Itoobiya iyo maleyshiyadooda ku sugan gudaha Suudaan".

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, weerarka wuxuu dhacay fiidnimadii Talaadada ka dib markii "hawlgal ballaaran laga sameeyay agagaarka gobolka Jabal Abutiur".

"Waxaa khasaaro iyo dhaawac oo dhashay intii uu socday weerarka gaadmada," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Warbaahinta Suudaan ayaa Khamiistii tabisay in 4 askari looga dilay weerarkaas 12 kalena looga dhaawacay, laakiin warkaasi ma aysan xaqiijin ciidanka.

Itoobiya ayaa hoos u dhigtay dhacdadaas, waxayna carabka ku adkeysay in dhibaato kasta oo labada dal dhexdeeda ah lagu xallin doono hanaan diblomaasiyad.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada oo ku sugan Addis Ababa ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ciidamada amaanka ee itoobiya "ay iska caabiyeen koox saraakiil iyo beeralay ah oo darajo hoose ku leh [Sudan], kuwaas oo ku soo xadgudbay dhulka itoobiya".

"Dhacdadu waxay ahayd in lagu xaliyo wadiiqooyinka diblomaasiyadeed", ayuu ku daray afhayeenka oo aan sheegin haddii ay jiraan wax khasaaro ah.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dhacdadan aysan dhaawaceynin xiriirka "taariikhiga ah" ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Suudaan.

"Dawladdu waxay si dhaw ula socotaa dhacdadii ay ku kaceen maleeshiyada maxaliga ah ee xadka Ethiopia [iyo] Sudan," ayuu soo qoray. "Dhacdooyinka noocan oo kale ah ma jabin doonaan xiriirka ka dhexeeya labadeena dal maadaama aan marwalba isticmaalno wadahadal si aan ugu xallino arrimaha. Kuwa fidnada wadda si cad uma fahmin xoogga xiriirkeenna taariikhiga ah."

Dalka Suudaan waxaa ku qulqulay kumanaan qaxooti Itoobiyaan ah oo ka cararay colaadda ka taagan gobolka waqooyiga dhaca ee Tigray taasoo qarxday bishii hore.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Hamdok, wuxuu sheegay inuu kula heshiiyay Abiy magaalada Addis Ababa inuu qabto kulan deg deg ah oo ay yeeshaan wadamo ka tirsan wadamada Bariga Afrika si loo xaliyo dhibaatada.

Dagaalku wuxuu socday tan iyo markii Abiy uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo militari bishii Nofeembar ee lagu bartilmaameedsanayay xisbiga talada haya ee Tigray ee Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

Boqolaal ruux oo isugu jira askar ka kala tirsan dhinacyadda dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa lagu waramay in la dilay tan iyo bilowgii dagaalada sidda ay sheegtey Hay'adda Xasaradaha Aduunka, halka in ka badan 50,000 oo qof oo u badan Itoobiyaan ay u qaxeen waddanka ay dariska yihiin ee Sudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM